Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Xalay Si ramsi ah xilkii ula Wareegay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo kormeeraya Aqalka dowladda Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo uu Xilka Kula wareegaye Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Wasiira katirsan xukuumada Xildhibaana katirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Saraakiil katirsan Ciidamada qalbka sida Fanaaniinta ubaxa Boondheere marti sharaf iyo dadweyne aad u tira badan kaas oo ka dhacday Aqalka dowlada Hoose ee Xamar.

Masuuliyiinta kala duwaneed ee munaasabada ka hadlay ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ku amaanay da’daalka uu ku bixiyay hormarka Magaalada iyadoo dhanka kale sheegay in ay garab istaagi doonan Gudoomiye Taabit,

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabada ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyay shacabka soomaliyed iyo maamulkii ay isla soo shaqeeyen.

“ waxaan  aad iyo aad ugu mahad celinaaya dhamaan shacabkii Soomaliyed iyo Maamulkii iyo shaqaala weynaha Dowlada hoose mudadii koobned sida ay iila soo shaqeeyen oo ay iigu garab siiyeen howsha adag ee la taaban karo ee laga qabtay magaalada Muqdisho waxaan idin lee yahay idinma hilmaami doon”

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa uu xooga saari doono Hormarka iyo xasiloonida caasimada.

“ xamar cadey waxey horey u aheyd magaala qurux badan oo xasiloon maamul keyga waxuu waxbadan ka qaban doono sareenta sharciga xasilooni iyo wax qabad sidoo kale waxaan doorka koobaad ka dhigi doona ilaalinta nafta iyo hantida dadweynaha”

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit ayaa dadka kasoo qeyb galay munaasabada ka dalbaday in ay ka qeyb qaatan tabarucaada loogu gurmanaayo dadka soomaliyed oo ay abaaruhu saameeyen kuwaas oo qaar kood kusoo barakacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  in uu kasoo dhalaalo balad qaad yadiisa.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo munaasabada ka hadlay waxa uu ka dalbaday umada Soomaliyed in ay wax waliba ka hormariyaan Soomalinimada islamarkaana ay Dowlada diyaar u tahay in lala xisaabtamo.

Munaasabada marka ay soo gaba gabootay ayaa waxaa shahaadooyin la gudoon siiyay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo howl wadeenada Dowlada Hoose ee Xamar.

Previous Post

Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In