Madaxa Golaha saree e Heyโadda Samofalka dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi ayaa sheegay in la bilaaay olole lagu uruurinaayo kalmooyin dhaqaale oo loogu talagalay malaayiinย dad ah oo ay ku habsadeen abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya.
Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.
adaxa Golaha saree e Heyโadda Samofalka dalka Imaraadka ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.
Dhinaca kale Duqa magaalada Abuu Dabi Cuweyda Murshid Almarar ayaa isna ka dhawaajiyay in barnaamoj ceelal qodis ah ay ka bilaabayaan gudaha dalka Soomaliya,si ayuu yiri ay wax uga taraan dhibaatooyinka biniaadanimo eek u soo noqnoqday dadka Soomaaliyeed