Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii u dhaxeyay dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada dalka oo la soo gabo gabeyay lagana soo saaray warmurtiyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shirkii u dhaxeyay dowlada dhexe  iyo dowlad gobolleedyada dalka oo la soo gabo gabeyay lagana soo saaray warmurtiyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Wadatashiga Madaxda Qaran iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

 

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Abriil 15 -16, 2017 Muqdisho

  Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xashi Cabdi.

 

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray abaaraha ka taagan dalka, dib u habaynta hannaanka guud ee heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga Qaranka, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah iyo dhammaan ururrada aragagixisada caalamiga ah. Waxaa kale oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

  1. Madaxda ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan.
  1. Madaxdu waxa ay bogaadiyeen dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba iyo beesha caalamkuba.
  1. Madaxdu waxa ay garwaaqsatay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, waxaana la isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday.
  1. Madaxdu waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.
  1. Madaxdu, iyaga oo tixgalinaya xasilloonida dalka iyo mabda’a dib-u-heshiisiinta, waxa ay dhiirrigelinayaan wadahadalka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Ahlu-sunna-Waljamaaca.
  1. Madaxdu waxa ay isku raaceen siyaasadda amniga qaranka iyo hannaanka loo marayo hirgelintiisa, taasoo ay garwadeen ka noqonayaan Golaha Amniga Qaranka.
  1. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.
  1. Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlad-goboleedyadu (mid kasta).
  1. Madaxdu waxa ay isla garteen in si degdeg ah loo sameeyo qorshe hawgal ciidan oo midaysan, kaasoo lagu furayo waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dalka iyo xaqiijinta gaarsiinta gaargaarka dadka abaaraha la tabaalaysan.
  1. Madaxdu waxa ay isla garteen in si dhakhso ah loo bilaabo, loona dardargeliyo qorshaha hannaanka geeddi-socodka doorashada 2020ka.
  1. Madaxdu waxa ay isku raaceen in kor loo qaado koboca dhaqaalaha, dakhliga, Shaqa abuurka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo ganacsiga iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
  1. Madaxdu waxaa kale oo ay isku raaceen in muhiimad gaar ah la siiyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyada oo loo adeegsanayo habab casri ah oo lagu cirib tirayo.
  1. Madaxdu waxa ay soo dhaweeyeen qorshaha horumarinta qaran (NDP) iyo mudnaantiisa, waxayse isku raaceen in la sameeyo tiro koobka dhabta ah. Waxaa kale oo la isla gartay heshiisyada iskaashiga cusub (New Partnership Agreement).
  1. Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso.
  1. Ugu dambayn, waxa ay madaxdu uga mahadcelinaysaa beesha caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay umadda Soomaaliyeed.

 

                           DHAMMAAD

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO SAWIRRADA:- Wasiirka Dhalinyarada Oo Muqdisho Kusoo Dhaweysay Madaxweynaha CAF

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Wasiirka Dhalinyarada Oo Muqdisho Kusoo Dhaweysay Madaxweynaha CAF

DAAWO SAWIRRADA:- Wasiirka Dhalinyarada Oo Muqdisho Kusoo Dhaweysay Madaxweynaha CAF

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In