Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha Turkiga oo ballan qaadday in uu sii waadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladda Wararka ee Dalka Turkiga Anadol ayaa qortay in magaalada Ankara Arbacadii shaley ay ku kulmeyn Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Recep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka wada hadleyn sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo adkeynta Ammaanka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteyn Labada Madaxweyne ayaa waxa ay uga hadleen xoojin xiriirka Labada dal iyo sidii Turkiga uu u si wadi lahaa taageerada uu siinayo Soomaaliya.

“Reer galbeedku waxa ay iska indha tireyn taageerada 14-milyan oo qof oo wajahaya macluusha Afrika” ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay dadka saboolka ah ee Afrika jooga.

“Waa in la badbaadiyo dadka la daalaa dhacaya saboolka, ugu yaraan 14-milyan qof oo u badan Dumar iyo Carrruur ayaa hadda abaar ay ku heesataa Afrika, badi Wadamada horumaray ee reer Galbeedka waa ay ka gaabiyeen in ay caawiyaan dadkaas”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu diyaarinayo sidii uu caawin lahaa dadka u baahan gargaarka.

“Nasiib darro ma ahan in dadkaas aan indhaha ka laabano ee u baahan gargaarka, waa sii wadi doonaa taageerada aan siineyno” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in  caalamka aysan ka hadli karin nabad iyo xasillooni haddii carruurta ay u dhimanayaan gaajo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar tan iyo markii uu booqday sannadkii 2011-kii, isagoo tusaalle fiican u soo qaatay  doorashadii Madaxweynaha ee February dhacday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay dedaallada Turkiga uu dib ugu dhisayo Soomaaliya.

“Turkiga ayaa sameeyay tallaabo muhiim ah oo ku aadan dib u dhiska Soomaaliya kaddib muddo dheer oo ay la haayeen xiriir, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa ku daray “Soomaaliya waa sii wadi doontaa raadinta taageerada xiriirkiina”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Turkiga mid miro dhal ah.

“Xilligan waxa aan isla gaarnay heshiisyo dhowr ah, sida barnaamijyada lagu xoojinayo horumarinta iyo is dhaafsiga xagga dhaqanka loo horumarin lahaa,” ayuu u sheegay Madaxweynaha saxaafadda.

 

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo kormeer ku tegay xabsiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Mudug oo kormeer ku tegay xabsiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo kormeer ku tegay xabsiga Gaalkacyo "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In