Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay wareeggii labaad ee doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay ku tartamayeen labada Musharrax ee u soo gudbay Wareeggan oo kala ah Axmed Ducaale Geelle oo helay wareeggii koowaad 57 cod iyo Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay isla wareeggii koowaad24 cod.
Xillibaanada Codka Bixinaysa ayaa gaaraya 89 Xubnood Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in laguda galay tirinta Codadka.
Haddaba wixii soo kordha goordhow nala soco Insha Allah