Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay doorka Qurbo joogta ee Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay doorka Qurbo joogta ee Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo hore dhac u ahaa shirweynaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo maalinka beri ah ka furmaya magaalada London waxaa looga hadlay doorka ururrada bulshada rayidka iyo qurba joogta ay ku leeyihiin horumarinta Dalka waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyada iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka .

Fartuun Cabdisalaan Guddoomiyaha Hay’adda Xaquuqul Insaanka ELMAN oo ka mid ahayd dadkii ka hadlay shirkan ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin bulshada rayidka inay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shirkan ka hadlay waxa uu sheegay inay dowladdu dhisayso hay’adda Qurbajoogta Qaranka si ay u fududeyso taakuleyta Qurba joogta ee lagu horumarinayo Qaranka .

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameynaysaa Hay’adda Qurba joogta Qaranka, taasoo caawinayso isla markaana fududeynaysa doorka qurba joogta ay ku leeyihiin hormarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray doorka muhiimka ee ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin horumarka Qaranka.

”Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qiraysaa doorka qeybta wanaagsan ee bulshada Rayidka ka qaateen dowladnimada Soomaaliya, Dowladaydu waxa ay wajahaysa dhibaatoyinka iyo caqabadaha haysta ururrada bulshadda rayidka, waxaana fududeynaynaa doorka wanaagsan ee ay qaadanayaan,.”ayuu Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay inuu jiro kulan weyn uu kula hadlayo Soomaalida wadanka Ingiriska ku nool, waxaana qurba joogta iyo bulshada rayidka uu ka codsaday inay ka soo qeyb galaan shirkaasi .

“Waxaan kale oo aan rabaa inaan ku dhawaaqo inaan leenahay kulan weyn oo aan kula hadlayo guud ahaan bulshada Soomaliyeed ee nool Ingiriiska, waan idin casuumayna qurba joogta dhamaan iyo bulshada rayidka, waxaana jiri doono dood weyn” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan waxa uu muhiim u ahaa dhegeysiga aragtida qurba joogta iyo bulshada rayidka ee horumarka dalka, waxaa uu imaanaya xilli maalinka beri ah uu magaalada London ka furmayo Shirka caalamiga ah ee taageerada dib dhiska, Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya

  

 

Mohamed Abdulkadir Dahir (MCD)

 

Previous Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdulqaadir Sheekh

Next Post

Madaxweyne Erdogan “ma aqbaleyno in Isra’il ay mamnuucdo aadaanka Salaada”

Next Post
Madaxweyne Erdogan “ma aqbaleyno in Isra’il ay mamnuucdo aadaanka Salaada”

Madaxweyne Erdogan “ma aqbaleyno in Isra’il ay mamnuucdo aadaanka Salaada”

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In