Monday, October 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

SAWIRRO:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Furay Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 14, 2017
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
SAWIRRO:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Furay Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho, shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

October 5, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti go’an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.

“Maanta waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaaradda ay soo diyaariso shirkan, inaga waxaa inaga go’an in Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dhamaada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wadatashiyo badan laga sameeyay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay Wasiiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Wasaaradda.

|Waxaan aan bogaadinayaa Wasiir Cabdi Xoosh, Wasiir Ku-Xigeenka, iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda oo laba-kacleyn ku sameeynaya hawlaha Wasaaradda oo Qarankeenna muhiim u ah, sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay maal-geliyaan Geedi-socodkan si Dastuurka uu u noqdo mid aan anagu leenahay; shirka waa inoo furanyahay waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan go’aamo mira-dhala” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn, shirkan 3da maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay Wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed xoojiya wadashaqeeynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada.

Previous Post

DAAWO:- Khudbadda Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Ka Jeediyey Shirka Doha

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo tababar Hagaha Saxaafadda ah u furay suxufiyiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo tababar Hagaha Saxaafadda ah u furay suxufiyiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo tababar Hagaha Saxaafadda ah u furay suxufiyiinta Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

October 5, 2025
0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(KISMAYO):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle...

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In