Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida, Booliska Soomaaliya oo shir jaraaid u qabtay Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigay in si wanaagsan uu u socda howgalka xaslinta iyo qorshaha Muqdisho looga aruurunayo hubka sharci daradda in lagu dhexsito.
Taliyaha Ciidanka NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in qorshaha xaslinta caasimaddu uu hada yahay bilow ah uu u socda si wanaagsan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa dhiinaciisa amray in maglaada Muqdisho aan lagu arki karin ciidamo wato dareska iyo gadiiidka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Mudane Cabduullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa cadeeyey in qorshaha xasilinta caasimudu uusan ahayn mid loogu dan leeyahay koox ama qabiil gaar ah balse uu yahay mid Muqdisho looga sifaynayo Al-Shabaab iyo cid kasto oo hub ku dhex sidata.
Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta dowladda loo samayn doono ciidamo gaar ah, lana furi doono xarun lagu diiwaan geliyo ciidankaasi.
Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa tilmaamay in qorsha xasilinta Muqdisho uu yahay go’aan ka so baxay Golaha fulinta Jamhuriyadda Soomaaliya, loogana golleeyhahay in Muqdisho noqoto magaalo Nabad ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa inta badan ka dhaqan galay qorshaha xasilinta amniga, taas oo hadii aad marto waddooyinka uu kuu muuqanayo muqaal wanaagsan oo ka turjumaya magaalo Nabad ah, isla markaana aysan indhahaagu qabanayn gawaarida dagaalka iyo Ciidmaadii hubeysnaa ee wadooyinka mari jiray.