Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii shan iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Baledweyne VS Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Baledweyne VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.
Baledweyne
Tartameyaasha Degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Baledweyne ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood.
Warta Nabadda
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxa ay iska qaldeen lix su’aal, waxana ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Baledweyne, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Warta Nabadda ay noqotay lix (6) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.
Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka lix iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Gaalkacyo Vs Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir.
Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur