Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada oo Muqdisho ka furmey

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa maanta waxaa furay wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka, waxaana looga hadlayaa dib u habaynta qorshe hawleedka wasaaradda, kaas oo taabanaya dardargalinta samaynta manhajka waxbarasho ee dalka, muhiimad kala siinta hawlaha horyaala wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda.

Shirka oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho  waxaa ka qaybgalay hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaas oo mawduucyadaas ka faaloondoona labada maalin ee shirku socdo.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Maxamed,ayaa sheegay in wasaaraddu ay horyaalaan hawlo badan oo ay lama huraan tahay in gudashadooda loo istaago, shirkana uu qayb ka yahay fulinta howlahaas.

Faysal Cumar Guuleed, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa isna sheegay in talooyinka iyo qodobada ka soo baxa shirkan ay ka qayb qaadan doonaan dadaalka lagu jihaynayo hawlaha wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ayaa sheegay inay ka go’an tahay hirgalinta manhaj waxbarasho oo ka tarjumaya danaha iyo hiigsiga bulshada Soomaaliyeed, taas oo u baahan dadaal dheeraad ah.

Previous Post

Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay sababta loo xiray wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Next Post

Deg deg: Qarax ka dhacay Muqdisho

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Deg deg: Qarax ka dhacay Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In