Sunday, October 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga Kala Qayb Galay Shacabka Magaalada Garoowe.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arimaha Gudaha DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga Kala Qayb Galay Shacabka Magaalada Garoowe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Ah ee Soomaaliya , Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane  Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha  ku dhaqan magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Related posts

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025

”Ciid mubaarik, Ciid mubaarik, waxaan u hanbalyaynayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, waxaan si gaara ugu hanbalyaynayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo inoo suura geliyey inaan midnimo ku ciidno, nabad isugu nimaadno, farxadna ku ciidno, Puntland waa amni Illaahay fadligiisana ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dadaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato maamul iyo shacabba iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland.

”Waxaan rabnaa marka inaanu amnigayaga sii xejisano, inaanu sii badhi taarno, inaanu sii adkaysano” ayuu yiri Mudane Gaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadlaya  inay jiraan cadaw u soo tafa xaytey khalkhal gelinta amniga Puntland, isla markaana ay loolan ugu jiraan sidii ay u carqaladayn lahaayeen xasiloonida  Puntland.

” sidaad ka war-haysaanba cadawgeeni wuxuu loolan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, sababtoo ah baadil iyo xaqdaro ayay ku socdaan anana xaq ayaan ku taaganahay, Puntland cidna ma gardaraysato cidna ma daandaansato, cidwalba oo wanaag iyo amni soo bidana waa ay soo dhoweysaa ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa dhankiisa ku booriyey ummada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, inay isu tanaasulaan iyo inay heshiiyaan, waxaana uu shacabka reer Puntland ku booriyey inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida ay hibada gaar ka ah u leeyihiin.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland ka go’antahay inay derikooda nabad kula nooladaan, isla  markaana ay markasta danaynayaan Soomaliya oo Mida, Soomaaliya oo is raacday.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre “Waxaan rajaynayaa in farxadda ciiddu ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed”

Next Post

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay qaar ka mid ah Faniinta Soomaaliyeed ee …

Next Post
Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay qaar ka mid ah Faniinta Soomaaliyeed ee …

Ra'isul Wasaare Kheyre oo la kulmay qaar ka mid ah Faniinta Soomaaliyeed ee ...

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuc taageero...

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RWANDA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In