R/wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa markii Sagaalaad maanta kormeeray dekedda Muqdisho, tan iyo markii loo magacaabay xilka .
Mudane Xasan Cali Kheyrre R/wasaaraha dalka ayaa kormeerkiisa ka billabay saldhigga booliiska ee dekedda, isagoo soo indha indheeyay habka uu saldhiggu u diiwaangeliyo Maraakiibta ku soo xirata Dekedda iyo badeecooyinka ka soo degaba.
R/wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada ka howlgala saldhiggaasi in ay sui hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, isagoo xusuusiyay baaxadda howsha u hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu baahnyahay iney uga soo dhalaalaan howshooda.
SIdoo kale R/wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha maamulka dekedda, iyo hannaanka cashuuraha, wuxuuna la kulmay maamulka dekedda, isagoo ku boorriyay iney kordhiyaan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.