Saturday, September 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo ka dooday soo dhoofinta badeeco dalka laga heli karo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 7, 2017
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo ka dooday soo dhoofinta badeeco dalka laga heli karo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu shir Gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa waxaa looga hadlay soo jeedinta Golaha ee joojinta soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo gudaha dalka ee laga keeno dalka dibadiisa iyo sidoo kale akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta, waxana ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu golaha  hortooda ka akhriyay soo jeedinta ku saabsan soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo dalka ee dibadda laga soo dhoofiyo.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa aragtidooda iyo suurtagalnimada soo jeedinta ee xiligan ka dhiibtay soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayri Maareeye.

Related posts

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maareeye oo ay qaar ka mid Xildhibaanada aragtidooda ka dhiibteen uu la wareegay Guddiga uu quseeyo oo la kaashan doono Wasaaradda ku shaqada leh, kuwaasi oo markale dib ugu soo celin doono Golaha

Intaasi kaddib ayaa waxaa loo gudbay Ajendaha labaad ee kulanka oo ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Qaalid Macow oo ah Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa ayaa goob joog ka ahaa, waxaana si toos ah ay uga jawaabayeen qaar ka mid ah su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen, wuxuuna Wasiirka uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha shacabka in ay sharciga ansixiyaan.

Ajendaha ku saabsanaa ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madax-bannaan ee doorashooyika ayaa dib loo dhigay maalinta beri ah, kaddib markii Guddoomiyaha guddiga madax banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil ‘’Xaliima Yareey’’ ay ka codsatay Xildhibaanada golaha shacabka in ajendaha dib loogu dhigo maalinta beri ah oo si weyn looga doodi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim “Muudey”’ oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madax bannaan ee doorashooyika maalinta beri ah dib loo dhigay, wuxuuna sidoo kale sheegay aragtida Xildhibaanada ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka uu yahay mid muhiim ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay dad dibad baxyo dhigayay “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo sagootiyay arday Jaamacadda SIU ay u dirtay dalka dibadiisa “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo sagootiyay arday Jaamacadda SIU ay u dirtay dalka dibadiisa “SAWIRRO”

Guddoomiye Jawaari oo sagootiyay arday Jaamacadda SIU ay u dirtay dalka dibadiisa "SAWIRRO"

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta...

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

September 6, 2025
0

RADI MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada...

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In