Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo weerar ku qaaday halka uu ku suganyahay Muqtaar Rooboow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Al-shabaab oo weerar ku qaaday halka uu ku suganyahay Muqtaar Rooboow

My beautiful picture

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya deegaanka Baano oo ka tirsan  tuulada Abal  isla markaana hoostagta degmada Xudur ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay xalay , kaas oo u dhaxeeyey maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kooxda taabacsan Muqtaar Rooboow oo ka tirsanaa horjoogeyaasha sare ee Kooxda, laakiin muddooyinkaan dambe gaar uga baxay kaddib khilaaf hareeyey hoggaanka Al-Shabaab.

Dad goob-joogayaal ah ayaa ku soo warramaya in dagaal socday dhowr saacaddood uu dhexmaray malleeshiyaadka labada dhinac kala ah, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Al-shabaab bilihii u dambeeyey waxa ay go’doomiyeen deegaanka Baana ee uu Muqtaar Rooboow ku sugan yahay, iyagoo uu qorshahooda yahay in ay dilaan, si uu u maro waddadii lagu khaarajiyey horjoogayaal ay ka mid ahaayeen Ibraahim Jaamac Meecaad (Al-Zeylici) & Abuu Mansuur Al-Amriiki, Rooboow waxa uu ula muuqday kooxda mid baddelay aragtidiisa ku addaneyd ka mid ahaanshaha horjoogayaasha Al-shabaab oo ugu dambeyn shirqool ay ku dilaan kooxda dhexdeeda isla horjoogayaashooda, balse lama hubo in weerarrada lagu qaadayo deegaanka Baana ay noqon doonaan kuwa laga gaaro hadafka laga leeyahay ee ah in gacanta lagu dhigo ama la dilo Muqtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu-mansuur)”.

Xogta aan heynno ayaa muujineysa in ay  suuragal tahay  in halka uu ka dhacay weerarka ee Baana uu ka xeyladeysto Rooboow, laakiin lama oga halka uu saldhig ka dhigan doono go’aankiisa kaddib.

Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkii dhacay xalay inkastoo aad ay u adag tahay in la ogaado tirada dhimashada iyo dhaawac ee labada dhinac.

Wixii ku soo kordha Wararkeenna ayaan ku soo dari doonnaa

Previous Post

Madaxweynaha Dowl-goboleedka Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridi marxuum Axmed Kismaayo

Next Post

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Next Post
Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In