Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka F. S. oo ansixiyay sharciga isgaarsiinta Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya miisaaniyadda Dowladda ee 2017
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Xildhibaanada golaha Shacabka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muuddeey’’ ,waxaana kulanka uu ku saabsanaa Akhrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, qeybinta soo jeedin ku saabsan su’aal oraaheed ku saabsan dhaqanka sharciga LR 112 Shaqada Arimaha Dibadda iyo sidoo kale qeybinta warbixinnada deegaan doorashooyinka.

Ugu horreyn Gudoomiyaha guddiga warfaafinta ,wacyi gelinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee golaha shacabka Xidlhibaan Qaalid Macow ayaa sheegay in sharciga isgaarsiinta Qaranka lagu soo daray dhamaan talooyinkii ay soo jeediyeen Xildhibaannada Akhrintiisii labaad, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada golaha shacabka ayaa in ay sharcigan ansixiyaan maaddaamaa dalka uu muhiimad gaar ah u leeyahay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sharcigan  uu waqti badan qaatay loo baahanyahay in la ansixiyo.

Intaasi ka dib Xildhibaannada golaha shacabka ayaa cod geliyay sharciga isgaarsiinta Qaranka ,waxaana ogolaatay 158,mudane iyadoo uu diiday hal mudane mana jirin cid ka aamustay sida uu shir guddoonka ku dhawaaqay.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya iyo Gudoomiyaha gudiga warfaafinta, wacyi gelinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee golaha shacabka Xidlhibaan Qaalid Macow ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada golaha shacabka sida ay codka kalsoonida ah u siiyeen sharcigan.

Ajendaha ugu dambeeya ee golaha shacabka oo ahaa warbixinnada deegaan doorashooyinka ayaa loo gudbay waxaana Xildhibaan Daahir Cabdi C/llaahi Dr. Go uu xildhibaannad ka hor jeediyay warbixin ku saabsan deegaan doorashadiisa iyo xaaladaha deegannadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga golaha shacabka oo ansixiyay sharciga isgaarsiinta Qaranka, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay Xildhibaannada Warbixinnada ka keenay deegaan doorashooyinkooda.

 

Previous Post

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH),...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In