Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka F. S. oo ansixiyay sharciga isgaarsiinta Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya miisaaniyadda Dowladda ee 2017
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Xildhibaanada golaha Shacabka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muuddeey’’ ,waxaana kulanka uu ku saabsanaa Akhrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, qeybinta soo jeedin ku saabsan su’aal oraaheed ku saabsan dhaqanka sharciga LR 112 Shaqada Arimaha Dibadda iyo sidoo kale qeybinta warbixinnada deegaan doorashooyinka.

Ugu horreyn Gudoomiyaha guddiga warfaafinta ,wacyi gelinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee golaha shacabka Xidlhibaan Qaalid Macow ayaa sheegay in sharciga isgaarsiinta Qaranka lagu soo daray dhamaan talooyinkii ay soo jeediyeen Xildhibaannada Akhrintiisii labaad, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada golaha shacabka ayaa in ay sharcigan ansixiyaan maaddaamaa dalka uu muhiimad gaar ah u leeyahay.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sharcigan  uu waqti badan qaatay loo baahanyahay in la ansixiyo.

Intaasi ka dib Xildhibaannada golaha shacabka ayaa cod geliyay sharciga isgaarsiinta Qaranka ,waxaana ogolaatay 158,mudane iyadoo uu diiday hal mudane mana jirin cid ka aamustay sida uu shir guddoonka ku dhawaaqay.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya iyo Gudoomiyaha gudiga warfaafinta, wacyi gelinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee golaha shacabka Xidlhibaan Qaalid Macow ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada golaha shacabka sida ay codka kalsoonida ah u siiyeen sharcigan.

Ajendaha ugu dambeeya ee golaha shacabka oo ahaa warbixinnada deegaan doorashooyinka ayaa loo gudbay waxaana Xildhibaan Daahir Cabdi C/llaahi Dr. Go uu xildhibaannad ka hor jeediyay warbixin ku saabsan deegaan doorashadiisa iyo xaaladaha deegannadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga golaha shacabka oo ansixiyay sharciga isgaarsiinta Qaranka, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay Xildhibaannada Warbixinnada ka keenay deegaan doorashooyinkooda.

 

Previous Post

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe+Sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In