Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaad katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow ee ka socoda Gobolka Bokool ayaa maalmo jirsaday, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey lagu soo waramayo in jab xoogan uu ka soo gaaray kooxihii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Dagaalka oo ay ka qeyb qaateen ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa horseeday in ciidamada maamulkaasi ay la wareegaan dhamaan deegaanadii ay weerarka ku soo qaadeen maleeshiyaadkaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maamulkaasi katirsan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelay)   ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodi ay haatan gacanta ku hayaan Ammaanka goobihii lagu dagaalamay,Abuu Mansuurna uu weli ku sugan yahay deegaankii uu joogay.

“Sida aan ognahay Mukhtaar Roobey 3 sano ka hor ayuu ka baxay Maleeshiyada Shabaab, kadib markii ay isku qilaafeen arrimo la xiriira in la joojiyo dhibaatooyinka sii kordhaya ee bulshada, intaasi kadib Abuu Mansuur wuxuu soo aaday deegaankii uu ku dhashey, mar hore ayuuna ka baxay Shabaab, hadii uusan ka bixin ma soo weerareen koxda Alshabaab”, Ayuu yiri Wasiirka Amniga K/Galbeed.

Ujeedada ay u ga qeybqaateen dagaalkaasi ayuu ku sheegey in ay tahay, in ay ka soo horjeedaan in maleeshiyada Shabaab ay xoog ku muquuniyaan qofkasta oo nabadda u soo dhawaada, islamarkaana ay ka go’antahay in ay ka hortagaan kooxahaasi.

Ugu dambeyn wasiirka wuxuu sheegey in Mukhtaar Roobow uu leeyahay aqtiyaar,uuna joogo deegaankiisa, maadaama aanu hadda kamid ahayn Alshabaab,  isagoo intaasi ku daray in meel 20 KM  ay kala joogeen ayaga iyo Roobow balse uusan wax dhaq dhaqaaq ah sameynin, balse ay garab siiyeen markii ay arkeen in kooxda Alshabaab ay soo weerareen.

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo magaalada Cape Town Lagu soo Dhaweeyay “SAWIRRO”

Next Post

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Next Post
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In