Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawiro+Kulan looga hadlayay Horumarinta Waxbarashada ayna ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Galmudug oo lagu qabtay Deegaanka Bandiiradley

caqiil by caqiil
August 18, 2017
in Wararka
0
Daawo Sawiro+Kulan looga hadlayay Horumarinta Waxbarashada ayna ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Galmudug oo lagu qabtay Deegaanka Bandiiradley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli mudooyinkii u danbeeyay deegaanada dowlad gobaleedka galmudug laga dareemayo dadaal loogu jiro sidii loo soo afjari lahaa fikrado qaldan oo laga fahamsiiyay bulshada waxbarashada maadigaa taasoo sababatay in boqalaal kun oo caruur soomaaliyeed ah ay ku waxbarasho seegaan ayaa  deegaanka Bandiiradleey ee Gobalka Mudug oo ka mida deegaanada kasoo kabanaya waxbarasha la aanta  waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa tacliinta caruurta soomaaliyeed sidoo kalana waalidiinta looga wacyi galinayay qatarta ay ku yeelan karto ubadkooda waxbarasho la’aanta.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socatay wasaarada waxbaarshada galmudug Aqoonyahano waalidiin iyo arday ayaa waxaa ugu horeyn ka hadalay macalin salaad cali mire oo ka mid ah culuma udiinka deegaankaasi waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sanado ka hor waxa laga aaminsanaa waxbarashada maadigaa iyo dadaalka ay usoo galeen in xiligaan horumar waxbaarsho laga dareemo Bandiiradleey macalin salaad waxa uu sheegay in dhibaato fara badan ay kasoo mareen in bulshada ay ka dhaadhiciyaan faa”iidada ay waxbarashadu u leedahay caruurta maadaama bulshada intooda badan sida uu sheegay ay
aaminsanayeen fikrado qaldan oo laga dhaadhiciyay xilli jaahiligii taasoo ahayd  in waxbarashada maadigaa ay  khatar ku tahay diintooda taasoo uu xusay in haatan ay meesha kasii baxeeyso kadib markii bulshada muddo dheer laga wacyi galinayay.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Hadafka ay ka leedahay wasaarada waxbarashada galmudug wacyi galinta dhanka waxbarida ubadka  ayaa waxaa ka warbixiyay Agaasimaha waaxda
waxbaarshada dadban ee wasaarada waxbaarshada Galmudug Marwo Xabiibo
Maxamuud Cabdi koofuroow oo iyana kulanka ka hadashay waxaana ay sheegtay in sanadihii udanbeeyay ay ku howlanayeen kormeero joogta ah oo ay ku qiimaynayaan xadiga ay haatan gaarsiisan tahay sara ukaca horumarka dhanka waxbaarshada caruurta oo ay ku mareeyeen masuuliyiinta wasaarada guud ahaan deegaanada dowlad gobaleedka Galmudug wasaaraduna ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii waxbarashadu u gaari lahayd caruurta ku nool deegaanada fog fog ee miyigaa si loo dhiso mustaqbalka caruurta.

kulankaan oo intuu socday ay ka hadleen waalidiin aqoonyahano arday sidoo kaalana shahaadooyin abaal marinaa lagu gudoonsiiyay Dufcadii sadaxaad ee ka baxda dugsiga hoose dhaxe iyo sare ee bandiiradleey ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Deegaanka Bandiiradleey C/risaaq Axmed Jaamac oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka waxbarasho xiligaan laga dheehan karo deegaanka Bandiiradleey taas oo uu xusay in inteeda badan ay ku timid dadaal iyo iskaashi ay bulshada deegaankaasi oo isugu jira jaaliyadaha dibada iyo kuwa guduhu ay ka wada shaqeeyeen si waalidiinta loo fahamsiin lahaa ahmiyada ay waxbaridu u leedahay horumarka iyo mustaqbalka maskaxdoodana looga tir tiri lahaa afkaar aan wanaagsaneeyn oo ay ka heysteen waxbaarshada maadigaa.

 

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo 3 Qof ku dishey Kenya

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

Next Post
Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In