Wasiirka Gaashaandhigga Ciraaq Carfan Al-Xiyaali ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay xukuumadiisu waqti dhow ku dhawaaqi doonto ka xoreynta kooxda xagjirka ee Daacish Xoreynta magaalada Talcafar ka gadaal markii ay ku guulaysteen in Ciidamada dalkaasi ay gacanta ku dhigaan inta badan Xaafadaha magaaladaasi Istaraatiijiga ah.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ciraaq Ibrahim Al-jacfari ayaa isna shalay shir jari’id ay si wada jir ah uga wada qabteen dhigiisa dalka faransiiska ku sheegay in inta badan magaalada Talcafar ay si buuxda gacata ugu dhigtgay Xukuumadiisa ,ayna %95 magaaladaasi ka xoreeyeen Kooxda Daacish.
Magaalada Talcafar oo 80-km u jirta magaalada Mousil ,ayaa la sheegay in Ciidamada Ciraaq ay rajeynayaan inay si buuxda gacanta ugu dhigaan magaaladaasi Ciidda Carafo ka hor oo maalmo kooban qura ka harsan tahay.
Dhanka sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in mudadii dagaalka ka socoday magaalada talcafar laga daadgureeyay in ka badan 20 kun oo shacab ah kuwaasoo la geeyay goobo amaan ah.