Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA,

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Cawil  Xirsi  Xasan (Goladiid) iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wakaaladad Wararka SONNA,iyagoo bogaadiyay horumarada ka socoda Wakaaladda.

Mas’uuliyiintani ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda SONNA,waxaana ku sugnaa kulankaasi Agaasimaha Wakaaladda Filimada Qaranka Soomaaliyeed Saalax Shire,Taifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA C/araxmaan C/llaahi Maxamed (Kanafa)iyo Madaxa wararka SONNA Cali C/qaadir Cali iyo qaar kamid ah shaqaalaha, oo warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaasi howlaha ay bulshada  u hayso Wakaaladda SONNA.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka ay ka qaataan had iyo jeer Hormarka Dalka iyo sida ay ugu heelanyihiin Baahinta Xaqiiqooyinka ka Jira Guud ahaan Dalka.

“Marka hore waan idinkaga hambalyaynayaa dadaalka horumarineed oo ay sameynayso Wakaaladda’Wakaaladdu dowr muhiim ah ayay ku leedahay horumarka dalka,qofkii ka shaqeeyana waxaan aaminsanahay in uu dhaqsi horumar gaarayo,anaka muddoayaan ka soo howlgalnay warbaahintan,waana soo dhaweynaynaa isbedelada maamul ee dhacay,waxaan u soo jeedinayaa SONNA in ay nagala shaqeyso horumarka Galmudug.Ayuu yiri Wasiir Fiidow.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cawil Xirsi Xasan (Goladiid) ayaa sheegay in warbaahinta Qaranka ay dowr muhiim ah ku leedahay horumarka dalka,gaar ahaan Wakaaladda SONNa, wuxuuna sheega in muhiim ay tahay in dib loo soo celiyo xafiisyadii Gobolada ay ku lahayd Wakaaladad SONNA si loo soo celiyo dowrkii ay ku lahayd u adeegista bulshada.

Wasiiradan ayaa ka mid ahaa howlwadeenadii soo maray warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Wakaaladda SONNA ,iyagoo ku bogaadiyay shaqaalaha in ay sii kordhiyaan dadaalkooda,ayna ka faa’idaystaan Tiknolojiyada casriga ah ee xiligan jirta.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga Golaha

Next Post

“Sawirro” Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

Next Post
“Sawirro” Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

“Sawirro” Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In