Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA,

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Cawil  Xirsi  Xasan (Goladiid) iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wakaaladad Wararka SONNA,iyagoo bogaadiyay horumarada ka socoda Wakaaladda.

Mas’uuliyiintani ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda SONNA,waxaana ku sugnaa kulankaasi Agaasimaha Wakaaladda Filimada Qaranka Soomaaliyeed Saalax Shire,Taifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA C/araxmaan C/llaahi Maxamed (Kanafa)iyo Madaxa wararka SONNA Cali C/qaadir Cali iyo qaar kamid ah shaqaalaha, oo warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaasi howlaha ay bulshada  u hayso Wakaaladda SONNA.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka ay ka qaataan had iyo jeer Hormarka Dalka iyo sida ay ugu heelanyihiin Baahinta Xaqiiqooyinka ka Jira Guud ahaan Dalka.

“Marka hore waan idinkaga hambalyaynayaa dadaalka horumarineed oo ay sameynayso Wakaaladda’Wakaaladdu dowr muhiim ah ayay ku leedahay horumarka dalka,qofkii ka shaqeeyana waxaan aaminsanahay in uu dhaqsi horumar gaarayo,anaka muddoayaan ka soo howlgalnay warbaahintan,waana soo dhaweynaynaa isbedelada maamul ee dhacay,waxaan u soo jeedinayaa SONNA in ay nagala shaqeyso horumarka Galmudug.Ayuu yiri Wasiir Fiidow.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cawil Xirsi Xasan (Goladiid) ayaa sheegay in warbaahinta Qaranka ay dowr muhiim ah ku leedahay horumarka dalka,gaar ahaan Wakaaladda SONNa, wuxuuna sheega in muhiim ay tahay in dib loo soo celiyo xafiisyadii Gobolada ay ku lahayd Wakaaladad SONNA si loo soo celiyo dowrkii ay ku lahayd u adeegista bulshada.

Wasiiradan ayaa ka mid ahaa howlwadeenadii soo maray warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Wakaaladda SONNA ,iyagoo ku bogaadiyay shaqaalaha in ay sii kordhiyaan dadaalkooda,ayna ka faa’idaystaan Tiknolojiyada casriga ah ee xiligan jirta.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga Golaha

Next Post

“Sawirro” Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

Next Post
“Sawirro” Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

“Sawirro” Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In