Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa la sheegaa in uu ka dhaxeeyo xiriir soo jiray boqollaad sanno, kaas oo lagu xasuusto in Soomaaliya ay aheyd waddankii ugu horreeyey ee African oo Shiinaha xiriir toos ah la yeesha.

Prof.Wang Xiaohia waa bare jaamacad ku taalla caasimadda dalka Shiinaha ee Begin waxaa uu aad u bartay taariikhda iyo xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, wafuud ka socota dalalka Africa oo ay Soomaaliya ku jirto ayuu u soo bandhigay waxa uu ka garanayo xiriirka labada dalka iyo Shucuubtooda.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Prof. Wang Xiaohia ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu soo bilowdey muddo laga joogo hadda Lix boqol iyo kontan sanno ka hor (650).

“Badmaaxe u dhashay Shiinaha oo Muqdisho yimid Lix Boqol oo sanno ka hor ayuu ka bilowdey xiriirka labada dal, waxaa toos u hirgalay iskaashi ganacsi oo labada shacab ah waxa ayna keentay in ay noqdaan dad si weyn isu dhexgala isla markaana horumar  ka sameeya iskaashigaas, dadweynaha labada dal ayaa safarro ku kala bixiyey Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo badda loo marayey” ayuu yiri Prof. Wang Xiaohia

Prof. Xiaohia ka ayaa sheegay in keydka taariikhda Shiinaha ay ku qoran tahay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyey ee Xiriir saaxiibnimo iyo diblomaasiyaddeed la sameystay Shiinaha.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Kheyraadka koobaad ee Soomaaliya uu yahay halka ay Juqraari  ahaan uga taallo dunida iyo kheyraadka kale ee gudaheeda dhex ceegaaga.

Prof. Wang Xiaohia waxa uu xusay in barnaamijka horumarinta iyo iskaashiga Shiinaha Soomaaliya ay uga jirto safka hore sanadka 2021 ama qarniga 21-aad ee dunida, kaas oo lagu magacaabo Belt And Silk Road oo ka kooban afar qodob oo kala ah

  1. Nabad iyo taageeradeeda
  2. Iskaashi iyo Furfurnaan
  3. Wadajir dadweyne ama labada shacuur
  4. Iskaashi Dhaqaale, dhismo mashaariic wata iyo diyaarinta istaraatiijiyad weyn oo dhinacyada tiknoolajiyadda iyo dib u dhiska Soomaaliya

Dad badan aad uma garanayaan in Soomaaliya ay leedahay taariikhahaas fog ama dheer, waana midda bulshada caalamka ku abuurtay in Soomaalida ay u aqoonsadaan dad ka horreeya Afrikaanka kale.

Soomaaliya ayaana u diyaarsan jawi ay dunida oo dhan mar kale ku tusto wax wada qabsi buuxa, kana turjumaya nabad, iskaashi, dhaqaale wadaag, ganacsi iyo dhismeyaal mahsaariic xanbaarsan, taasoo dalkeenna u keeni doonta fursado waa weyn burburka ku badela dib u dhis wadata nabad iyo nolol.

Wareysigaan waxaa qaadey C/raxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala), waxaana soo diyaariyey Feysal Muuse

Previous Post

Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka-Sawirro

Next Post

Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa ciidanka xoogga dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah”-Sawirro

Next Post
Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa ciidanka xoogga dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah”-Sawirro

Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa ciidanka xoogga dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah”-Sawirro

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In