Moscow ayaa qorshaynaysa in ay Soomaaliya ka caawiso dadaalkeeda ka dhanka ah xag-jirnimada iyo argagisada,Wasiiraka arrimaha dibbada Rushka Sergey Lavrov ayaa ka sheegay shalay oo Talaada ahayd kullan uu la qaatay ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre kaasi oo hareer socday kan 72-daa ee golaha guud ee Qaramada Midobey ee New York.
” Waxaan ku farax sanahay fursadan kulanka hareer socday kan guud oo aan uga wada hadalnay xiriirka laba geesood, waan danaynaynaa saaxiibtinimadeena taariikhiga ah, waxaana jecelnahay in aan Soomaaliya ka taageerno dadaalka ay uga jirta xal ka gaarida dhibaatooyinka dhanka xag-jirnimada iyo argagixisada”, Lavrov ayaa sidaa yiri.
” Dhinacyada waxa ay ka wada hadleen arrrimo la xiriira hanaanka deganaanshaha Soomaaliya, isaga oo ku nuux-nuuxsaday lagama maarmaanimada in la sii wada joogtayna dadaalada dawlada Federal-ka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ku aadan in nabbad laga dhaliyo Soomaaliya”, Wasaarada Arrimaha Dibbadda Ruushka ayaa tiri,
Ruushka dhinaciisa waxa uu u muujiyey taageero mas’uuliyiinta dawlada Federal-ka Soomaaliya iyo Hawl-galka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya dadaaladooda ka dhan ah argagixisada.
Wasaarada ayaa intaas ku dartay in labada dhinac ay is dhaaf sadeen in ay yeeshaan kulamo kale oo lagu hormarinayo xiiriirka laba geesoodka ah, waxayna ku cel-celiyeen balan qaadkooda ah in ay balaariyaan is-kaashigooda dhinaca siyaasada, ganacsiga, dhaqaalaha iyo meelo kale sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa Rushka ee la yiraahdo Tass.
“Waxa aan gaaray New York oo aan uga qayb galayo kulanka guud ee 72-aad ee Qaramada Midobay, kulankayga uga horeeya waxaan la yeeshay wasiirka arrimaha dibbadda Rushka Lavrov kaasi oo ku saabsanaa xoojinta iskaashiga labada dal Soomliya iyo Rushka”, sidaas waxaa bartiisa twiter-ka ku yiri Ra’isul wasaraha Somaliya, Xasan Cali Kheyre.
Waxa Tarjumay
Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”