Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuiyadda weerar lagu qaaday Ciidamada Ciraaq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 28, 2017
in Wararka
0
Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuiyadda weerar lagu qaaday Ciidamada Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuiyada weerar lagu qaaday Ciidamo Ciraaqiyiin ah oo ku sugnaa Gobolka Anbar ee dalkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kooxda ISIL,ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 7-Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Ciraaq lagu dilay weeraro is xig xigay oo lagu qaaday Gobolka Anbar halka 16-kale la dhaawacay.

Related posts

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025

Weerarka oo dhacay shalay gelinkii danbe ayaa lala bartilmaameedsaday xarumo dhowr ah oo ay ciidamada Ciraaq kaga sugnaayeen Gobolka Anbar oo ku yaalo Galbeed magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Dowladda Ciraaq ayaa ciidamo cusub ku xoojisay goobaha la weeraray oo u dhow magaalada Ramaadi,waxayna Kooxda Daacish marka hore weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xarunta Ciidamada, ka dibna goobta laga maqlay rasaas xooggan oo muddo kooban socotay.

Kooxda Daacisha ayaa magaalada Ramaadi laga saaray horaantii sanadkii 2015-kii,balse waxaa sii socday wixii intaasi ka danbeeyay weerarada ku dhifoo ka dhaqaaq ah ay ku qaadayeen Gobolka Anbar.

Weerarada ayaa daba socda,guulo is daba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay ay gaarayeen Ciidamada Ciraaq,sida lagu sheegay War ka soo baxay Dowladda Ciraaq.

Horaantii bishan ayay ahayd markii Kooxda Daacish ay dishay ugu yaraan 60-Qof halka dhaawac uu soo gaaray toboneeyo kale ka dib weeraro mataano ah ay ku qaadeen magaalada Nasiriyah oo ku taalo Koonfurta Ciraaq.

Previous Post

Akhriso: Faah-faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga

Next Post

Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabuudwaaq

Next Post
Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabuudwaaq

Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabuudwaaq

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In