Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Canada

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Canada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliiska dalka  Canada ayaa xirey nin Soomaalia ah oo weerar ka geystay banaanka hore ee garoon ciyaaraha ah oo ku yaala magaalada  Edmonton ee dalkaas ninka booliiska ay ku sheegeen in uu asal ahaan Soomaaliya ka soo jeedo ayaa gaari weyn ku weeraray dad waddada ku lugeynayay isagoo sidoo kale mindi ku dhuftay dad joogay garoonka ciyaaraha.

Shan kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la dhigay isbitaal kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan, hase ahaatee lama shaacin aqoonsiga tuhunsanaha ama dadka dhibaniyaasha ah.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Marlin Degrand,  oo ah taliye ku xigeenka booliiska dalka Canada ee loo yaqaano Royal Canadian Mounted Police,  ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu ka soo jeedo Soomaaliya isla markaana uu ahaa nin magangeliyo doono ah.  Booliiska magaalada Edmonton iyo kan  federaalka ee Royal Canadian Mounted Police ayaa ka war hayay xogta ninkan. Degrand ayaa sidoo kale sheegay in ninkan 2015  lagu arkay fekrado xagjirnimo ah isla markaana booliisku su’aalo weydiiyeen hase ahaatee ninkan ayaa beeniyay waxyaabihii lagu eedeeyay.

Taliyaha booliiska magaalada Edmonton Rod Knecht  ayaa dhankiisa sheegay in ninka la tuhunsan yahay gaarigiisa laga heley  calanka Daacish. Laakiin saraakiisha ayaa sheegay in weerarkan uu u muuqdo mid uu keli ku ahaa.

“Ogaalkeena, kani waa weerar bahalnimo ah oo keli ku ahaa ,” sidaa waxaa sheegay duqa magaalada Edmonton Don Iveson.

Knecht ayaa tilmaamay in booliiska  Edmonton oo la shaqeynaya kan federaalka  ee Royal Canadian Mounted Police iyo laamaha kale ee amniga ee dalka Canada ay gacanta ku hayaan kiiskan isla markaana dadka looga baahan yahay in ay feejignaadaan kana war hayaan waxyaabaha ku hareereysan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay garab taagan yihiin dadka magaalada Edmonton ka dib weerarka argagaxiso ee halkaas ka dhacay isagoo tacsi u direy saraakiisha booliiska ay ku waxyeeloobay weerarkaas iyo dadkii ayagoo ciyaar daawanaya la beegsaday.

“Ma ogolaaneyno – mana u ogolaan doono –  in bulshadeena lagu kala geeyo weeraro argagaxisinimo .Waxaan ognahay in isku xirnaanta bulshada reer Canada in ay ka timid kala duwanaanshaha, nama cabsi gelin doonaan kuwa fulayada ah ee doonaya in ay na kala qeybiyaan isla markaana lagu beereya cabsida ,” sidaa waxaa yiri  Trudeau.

Sidoo kale, war saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee looga aramiyo  ee dalka Mareykanka, ayaa lagu cambaareeay weerarkii ka dhacay magaalada Edmonton ee dalka Canada ” weerar argagaxiso oo fuleynimo ah ayaa lala beegsaday saraakiisha booliiska iyo dad waddada ku lugeynayay magaalada Edmonton”.

Previous Post

Ilhaan Cumar”Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaa”

Next Post

Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Next Post
Tiro Al-shabaab ka tirsan oo lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay Afgooye

Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In