Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal qof oo ku dhaawacmay rabshadihii aftidii gobolka Catalonia ee Spain

caqiil by caqiil
October 2, 2017
in Wararka
0
Boqolaal qof oo ku dhaawacmay rabshadihii aftidii gobolka Catalonia ee Spain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka ku nool Gobolka Catalonia ee Dalka Spain ayaa inta badan haa u codeeyey aftidii la qabtay, iyadoo dhanka kale Dowladda ay si weyn uga soo hor jeedo talaabooyinkaasi.

Iyadoo Hoggaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa ku dhawaaqey in ay ku guuleysteen in ay ka madax banaanadaan  Spain inteedi kale waxaana dadka haa u codeeyey ay gaarayeen 90%.

Related posts

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

September 14, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

September 14, 2025

Maxakamadda Dastuuriga ee Dalka Spain ayaa sharci daro ku tilmaantay talaabada lagu qabtay affiada, taasi oo intii ay socotay ay ka dhaasheen rabshado khasaarooyin dhaliyay.

Hoggaammiyaha Gobolkaasi aftidu ka dhacday ayaa sheegay in dhawaan loo gudbindoono arintaasi baarlamaanka maamulkaasi, isagoo xusay in mustaqbalka shacabka uu u yaalo baarlamaanka.

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen ka dib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka ku nool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha cod bixinta, Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia

Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka,iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont uu tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray falkani micna darrada.

Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.

Previous Post

Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Next Post

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan “SAWIRRO”

Next Post
Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan “SAWIRRO”

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan "SAWIRRO"

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD:- Ciidanka xoogga dalka ayaa howlagal gaar ah ka fuliyay deegaanada hoostago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud,halkaas oo wali...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa  dib u furay xarumaha diiwaangelinta dadweynaha ee Gobolka Banaadir,kadib warsaxaafadeed rasmi...

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka Oo Lagu Soo Xiray Dalka Ruushka

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka Oo Lagu Soo Xiray Dalka Ruushka

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(St. Petersburg):-Waxaa magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka...

Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(CEELDHEER): Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In