Axmed Saalax oo 22 sano jir waxaa uu ka dhashay qoys sabool ah, waxaa isaga iyo dhallinyaro kale ay ku xiranyihiin xabsi ku yaala wadanka Liibiya halkaasi oo ay ku haystaan dhibaatooyin kala duwan .
Dhalinyaradaan ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi kaddibna u safray wadanka Suudaan halkaasi oo ay uga sii gudbeen Wadanka Liibiya, iyaga raja ka qabay inay galaan wadamada reer Yurub, balse dhallinyaradaasi ma aysan gaarin hankii iyo hiigsigii ay lahaayeen ee ah inay mar un cagaha dhigaan Wadamada reer Yurub, ayagoo taasi badalkeeda ugacan galay kooxo Magafe.
Dhallinyarada oo uu ku jiro Axmed Saalax waxa ay hadda ku xiranyihiin xabsiyo ku yaala wadanka Liibiya, halkaasi kuma haystaan nolol wanaagsan tiiyoo ay usii dheertahay inay la kulmaan jir dil, handaad iyo waxyaabo kale oo la mid ah.
Kooxada burcadda ah ee heysta dhallinta waxa ay ku rabaan in la siiyo lacag madax furasho ah, kuwaasi oo xiriiro kala duwan la soo sameeyay waalidiinta dhalay dhalinta lagu heysto xabsiyada ku yaala Liibiya, lagana dalbaday inay bixiyaan in ka badan shan kun oo doolarka Mareykanka ah.
Hooyo Batuula oo ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda gacanta ugu jiraan Magafaha ayaa Warbaahinta u sheegtay in dhallinyarada u xiran uu ku jiro wiilkeeda oo mudo hal sano iyo bar uu ku xiranyahay Wadanka Liibiya, waxaana ay intaa ku dartay inay la soo xiriireen rag Soomaali ah oo la shaqeeya Kooxda Magafe ee gacanta ku haya dhallinta, kuwaasi oo ka dalbaday inay bixiso lacago madax furasho ah, haddii ay rabto wiilkeeda Axmed Saalax loo sii daayo.
Hooya Batuulo oo mari u ah Murugo iyo uurkutaalo aan ka go’in, tabaysana wiilkeeda in mar uun dib uu u helo xoriyadiisa ayaa baaq u dirtay cidkasta oo door ka gaysan karta siidaynta Wiilkeeda iyo dhallinyarada kale ee ku xiran xabsiyada dalka Liibiya.
Dhageyso Hooyo Batuulo oo ka hadlaysa xaaladda wiilkeeda ku xiran Liibiya