Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026

Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka usoo gudbiso cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.

Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.

Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalaha qunsuliyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka.

Previous Post

Dowladda Turkiga oo qabatay 226-Tahriibayaal sharci-daro ah

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In