Sunday, November 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo dhiig u shubay dad waxyeelo ka soo gaartay qarixii Soobe

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo dhiig u shubay dad waxyeelo ka soo gaartay qarixii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

November 2, 2025
Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

November 2, 2025

 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  booqday goobtii mashaqadu ka dhacday iyo Isbtitaalada isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii caddowga uu ka geystay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa tagay qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba,wuxuuna madaxweynuhu  dhiig u shubay dad Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaato culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay dhagaraha ay cadowgu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Isbitaalada waxaa yaala meydad iyo dhaawacyo aad u badan,sidoo kale waddooyinka iyo isbitaalada waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo qaar kood baadi goob ugu jira qaar kamid ah eheladooda oo la la’yahay halka qaarna ay halkaasi u tagayaan in ay gurmad sameeyaan.

Waxaa jira meydad weli la aaminsan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaasha hoostooda,xalay ilaa saaka waxaa soconaya howlaha gurmadka ah oo lagu faagayo dhismayaasha burburay hoostooda si lo raadiyo suuro galnimada in ay jiraan dad ku hoos jira halkaasi.

SHARE

Facebook
Previous Post

QM “Kooxda Argagixisada Shabaab fal xun ayay u geysteen shacabka

Next Post

DHAGEYSO: Xaaladihii ugu dambeeyey ee qarixii Soobe

Next Post
DHAGEYSO: Xaaladihii ugu dambeeyey ee qarixii Soobe

DHAGEYSO: Xaaladihii ugu dambeeyey ee qarixii Soobe

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO(XAGARDHEERE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa wada dadaallada lagu hubinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad...

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee dalka  Tanzaaniya, Marwo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah, ayaa ugu...

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In