Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada ay siineyso Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada ay siineyso Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi.

Related posts

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025

Kulanka oo dhacay maalintii Talaadada ayaa Labada mas’uul waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladood xaga amniga, dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada Soomaaliya kaga timaado Imaaraadka Carabta.

Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uga Mahad celiyay taageerada beni-aadanimo iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya, sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii la soo dhaafay balan qaaday daaweynta 100-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska  mashquulka badan ee Ex-Soobe halkaasi oo dad badan ay ku nafwaayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa  shaaciyay iney agab caafimaad oo ay ka mid yihiin daawooyin u soo dirayaan Soomaaliya si loogu kordhiyo xarumaha caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii Qaraxa ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka ay daryeeli doonto 300-carruur Agoon ah oo Qoyskooda muddo lix bilood ah, ee Waalidiintooda ku waayay Qaraxyadii dhacay, waxaana lagu dari doona Barnaamijka daryeelka Agoonta ay maalgeliso Imaaraadka Carabta.

Previous Post

Salaad Janaaso ah oo lagu tukaday goobtii ay ka dhacday musiibadii 14-kii bishan “SAWIRRO”

Next Post

Ciise Xuseen “Laba maalmood ayaa burburka ku hoos jiray” (Sawirro)

Next Post
Ciise Xuseen “Laba maalmood ayaa burburka ku hoos jiray” (Sawirro)

Ciise Xuseen “Laba maalmood ayaa burburka ku hoos jiray” (Sawirro)

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay...

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay xarunta cusub ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee NIRA ayaa lagu qabtay magaalada Ceeldheer ee...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Somalia, Saudi Arabia Reaffirm Support for Somalia’s Sovereignty

December 31, 2025
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with his...

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

December 31, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has made a historic announcement declaring significant progress...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In