Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kormeer ku tegay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka socdaan howlo dhismo ah, gaar ahaan halka ay diyaaradahu soo cago dhigtaan ee Run way,

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga la socday oo isugu jiray Wasiiro iyo Injineero waxa ay ku soo wareegeen qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka, waxaana uu bogaadiyay dhismaha ka socda Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Wasiirka Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Aadan Axmed (Cabdullaahi Black) ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso dhismaha garoonka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay dhismaha Garoonka, isagoo sheegay in tani ay waxbadan ka badali doonto sida uu garoonka hadda yahay, waxaana uu xusay in garoonka loo dhisi doono sida kuwa casriga ah oo kale ee dunida yaala.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa iminka dhismihiisa meel fiican maraya.

Feisal Dhayow: Saxafi ka tirsan Tv-ga Koonfur Galbeed

Previous Post

Agaasimaha SONNA oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In