Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R/wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha R/wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse waxuu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

July 8, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka IOM ee Soomaaliya

July 8, 2026

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faano, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse. Allaha u naxariisto marxuumka.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Janaraal Maxamed Abshir Muuse

Next Post

Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

Next Post
Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

July 8, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka IOM ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay...

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

July 8, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee XFS Maxamed Aadan Macalin ayaa ka qayb galay Shirka Wadahadalka Caalamiga...

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee  Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

July 8, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Faysal Aadan Xasan ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In