Kulan looga hadlayay sidii loo dabooli lahaa bahiyaha kala duwan ee ka jira maamulka Hir-shabeele’ayaa lugu qabtay magaalada Jowhar.
Waxaana soo qaban qaabiyay kulankaasi wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hir-shabeele, iyadoo’ay goob joog ka,ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorsheeynta Qaranka,ee D.F.S. hay’ado ka tirsan U. N. maamulka Hir-shabeele, gobalka shabeeleha dhexe, kan degmada Jowhar qaybaha kala duwan ee bulshada Hir-shabeele,ee mgaalada Jowhar
Kulanka waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa u mahadceliyay hay’adihii ka soo qaybgalay kulanka.
Waxaa, isna halkaasi ka hadlay sii hayaha xilka wasaaradda Qorsheeynta Hirshabeele, Maxamed Cabdi C/laahi wuxuuna fahfaahiyay muhiimadda kulanka u leeyahay maamulka Hirshabeelle.
Waa kulankii, ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Qorsheeynta Hir-shabeele, ee looga hadlo sidii loo dabooli lahaa, bahiyaha ka jira Hir-shabeele