Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Madaxweyne Donal Trump oo amray in la adkeeyo amaanka Mareynkanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 3, 2017
in Caalamka, Wararka
0
Madaxweyne Donal Trump oo amray in la adkeeyo amaanka Mareynkanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Donald Trump,madaxweynaha Maraykanka, ayaa ku amray laamaha amniga Mareynkanka gaar ahaan kuwa xuduudaha iney si adag u baaraan dadka ajaanibka,waxaana amarka Trump uu ka danbeeyay weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay.

Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanku.

Madaxweyne Trump wuxu yidhi “waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay Dawladda Islaamka in ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga ah in uu ka hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.

Arbacadii shalay madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Congreska dalka Mareynkanka iney dib u eegis ku sameeyaan bixinta Viisaha dalka ku gal ah si loo xakameeyo falal danbiyeedyada dilalka ugu horeeya ee ka dhaca dalka Mareynkanka.

Ciidamo aad u fara badan oo Boolis ah ayaa lagu kordhiyay goobta uu ka dhacay shika lagu dilay sideeda qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Kooxaha Xuquuqul insaanka u dooda ayaa dhaleeceeyay talaabooyinka qaar ee Trump uu kaga fal celiyo dhibaatooyinka kadhaca dalka Mareynkanka oo ka baxsan bini-aadanimada.

Previous Post

Fursado Shaqo oo Ka Banaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta maamulka Hirshabeelle oo lagu qabtay Jowhar

Next Post
Kulan looga hadlayay horumarinta maamulka Hirshabeelle oo lagu qabtay Jowhar

Kulan looga hadlayay horumarinta maamulka Hirshabeelle oo lagu qabtay Jowhar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In