Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweye Farmaajo oo Xalay casho sharaf ah la qaatay Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweye Farmaajo oo Xalay casho sharaf ah la qaatay Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf ah  la qaatay  Wasiiradda Warfaafinta Dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo Magaaladda Muqdisho u joogay iyo Wariyeyaasha Madaxa banaan ee Soomaaliya ka howl gala.

Kulanka Cashada ah waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wehlinaya Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow, Wasiirada Warfaafinta Dowlad goboleedyada iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka looga hadlay arrimo badan oo Warbaahinta Soomaaliyeed ku saabsan iyo doorka horumarka dalka ay ka qaataan.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Kulanka Qodobaddii lagu soo qaaday oo ugu weynaa waxaa kamid ah Muhiimadda Saxaafadda ay leedahay, doorka ay ka qaataan Wacyi gelinta Bulshada, ka qeyb qaadashada Dagaal Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in Guud ahaa Meelaha ay kaga dhuumanayaa Argagixisada Alshabaab dalka ay kaga xoreyso iyo arrimo kale.

Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, ayaa Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay Shirweyne Wadatashi ahaa oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada, waxaana shirkaasi ay uga hadleyn sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii Wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo addeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Magaaladda Muqdisho ka socday.

Previous Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay diidmada Shilin Soomaaliga

Next Post

Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo Maxkamad lasoo taagay

Next Post
Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo Maxkamad lasoo taagay

Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo Maxkamad lasoo taagay

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In