Maxakamada kutaala magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa Xukun Ku Riday Kalluumeysato udhashay Wadan Yeman,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay si sharci daro ah uga kalluumeysanaya.
Sedax Badmaaxiyaashan oo tiradooda ah sedex qof oo u dhashay wadanka yeman lana shaqeeynayay Dooni lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 isla markaana si sharci dara ah uga kalluumeeysanayay xeebaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa maxkamada Gobalka Mudug ee Galmudug ay ku xukuntay xukuno isugu jira xabsi iyo Ganaax lacageed.
Badmaaxiyaashani oo 2dii bishii October ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug ayaa waxaa xukunkooda ku dhawaaqay kaaliyaha Maxakamada Sare ee Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe kadib markii maxkamada la horkeenay ayna qirteen danbiga loo heystay sida uu xusay waxaana kaaliyuhu uu sheegay markii maxkamadu ay heshay cadeeyn marqaati iyo qiraalba in maxakamadu ay ku xukuntay sadaxdaan badmaax kiiba 2sano oo xabsiya iyo 2kun oo doolar waxaa sidoo kale maxakamadu ay ku xukuntay Doonidii ay la shaqeeynayeen sadaxdaan badmaax oo lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 konton kun oo doolar (50.0000$).
Intaas kadib waxaa iyaguna la hadlay warbaahinta Wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka Maxamed Cabdi Maxamed iyo Wasiirka wasaarada Gadiidka Badda iyo Dakadaha Galmudug Maxame Aadan Qalabxoor waxayna uga mahad celiyeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug howlgalkaan iyo howlgalada kale ee lagaga hortagayo xaalufinta Kheyraadka badaha Soomaaliyeed.
Waxay ugu baaqeen madaxda Galmudug iyagoona mahad celin kadib ugu baaqay Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad gobaleedyadu in ay iska kaashadaan la dagaalanka Burcad kalluumeysiga xaalufinta ka wada badda wadankeena isla markaana loo baahan yahay in sida argagixisada la dagaalankeeda laysaga kaashanayo loogu midoobo ka hortagista kalluumeeysiga kheyraadka Badda soomaaliya.