Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidee Gobolka Shabeellaha Hoose uga socda howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab?+(Dhageyso)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Sidee Gobolka Shabeellaha Hoose uga socda howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab?+(Dhageyso)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee amniga Gobolkaasi iyo howlgalada la doonayo in guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose looga sifeeyo Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab.

Gudoomiye Najax oo ugu horeyn soo hadal qaaday xaalada amniga ee deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay iney tahay mid wanaagsan,islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay qaadeen talaabooyin looga hortagayo falalka lidi ku ah amniga Gobolka Shabeellaha Hoose.

” Xaalada Guud ee Gobolka wey fiican tahay,ciidamada Xooga dalka Soomaaliya dadaal wanaagsan ayay wadaan oo cadowga runtii looga fogeynayo nawaaxiga degmooyinka Afgooye ilaa iyo nawaaxiga Bariire iyo dhinaca kale ee dhulka xeebta ah iyo laanta buura dhinaceeda,sidoo kale shalan bood iyo buula mareer howlgalo ayaa ka socda,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Wuxuu sheegay Guddoomiye Najax in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab markaan awoodooda ay ku soo koobantay daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan,isagoo balan qaaday iney guud ahaan Gobolka uu madaxda ka yahay ka sifeyn doonaan haraadiga maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka cusub ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro Gobolka ayuu Guddoomiyuhu sheegay iney qeyb ka yihiin shacabka,islamarkaana door muuqda ay ku leeyihiin,maadama uu tilmaamay in shacabka ay u dul qaadan waayeen gumaadka ay ku hayaan Kooxda Al-Shabaab oo aan u kala saarin carruur,Ciroole iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,kaasi oo la doonayo in guud ahaan dalka looga saaro.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/11/Waraysi-Gudoomiyaha-Gobolka-Shabeelaha-Hoose-Ibraahim-Najax.mp3
Previous Post

Traffic Police Commander passes away

Next Post

Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Arggagixisada Shabaab

Next Post
Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Arggagixisada Shabaab

Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Arggagixisada Shabaab

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In