Wasiiru Dowlahada Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa ka warbixiyay Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajoย uuย ku joogo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, iyadoo ay ka wada hadleen Amniga, Ganacsiga, Maalgashiga, Hormarinta iyo la dagaalanka kooxda argagaxisada, wuxuuna wasiiru dowlada intaas ku daray in kulanka labada masuul uu ahaa mid dhaxalgal.
Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr
Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Baniโaadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...












