Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga  kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa sidoo kale magaalada Riyad uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Related posts

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

March 16, 2026

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  oo khudbad ka jeediyey shirka  ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Previous Post

Doorka xoreynta dalka ee Radio Muqdisho Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.

Next Post

Qaramada midoobay oo gargaarkii ugu horeeyay geysay Yemen 

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

Qaramada midoobay oo gargaarkii ugu horeeyay geysay Yemen 

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

March 16, 2026
0

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa la filayaa in goordhow lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Ciid-siin iyo taakuleyn gaarsiiyay Dugsiga Agoonta...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In