Friday, July 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Doorka xoreynta dalka ee Radio Muqdisho Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Doorka xoreynta dalka ee Radio Muqdisho Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida uu sheegay aqoon yahan Liiban Cabdi Cali agaasimaha Talefishinka Qaranka Soomaaliyeed weli Radio Muqdisho waa ma huraan iyo miro aan dhammaan oo ku milan maskaxad Ummadda Soomaaliyeed.

Radio muqdisho waxaa uu kamid noqday tiirarkii adkeyay nabadgalyada iyo in caasimada laga xoreyo bahaladii dhiigya cabka ahaa ee Al-shabab oo weli u hamuun qaba daadinta dhiigeena halka Radio Muqdishona u tagan yahay tusmada iyo far ku fiiqa Dhagarta iyo waxyeelada Al-shabaab iyo sida looga hortagi karo.

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

Gacmihii kala duwana marna ma aysan fara galin afkaartii iyo maba’diidi Radio Muqdisho haba ugu darnadaan maamulkii magacyada badan ay ka hoos baxeen ee maxkamadihii islaamiga oo gacantooda mar uu galay Radio muqdisho.

2009 mar kale waxaa waagu u baryay Radio Muqdisho oo cagta saartay jidkii soo kabashada iyo halgankii dib u xoreynta caasimada ummadda oo ahayd bahalo galeen oo cadawgu meel walba taagnaa.

Radio Muqdisho oo hab suugaaneed iyo masraxiyadeed ummadda ugu sheegay dhibaatada Alshabab ayaa waxaa ay baahiyeen riwaayadii igu sameynta badneyd oo Enternetka kala socon jiray laguna magacaabi jiray BAADI KALA MAQAN.

Radio Muqdisho hadii uu 1980 uu ku jiray wakhti wacan oo ay ka howl gali jireen Maxamed Aadan Tera,Axmed Xasan Cowke , Dandurey Nuur Shire Cismaan iyo suxufiyiin miisan leh kuna soo shaqeyay jawi nabdeed.

2009 waxaa mar kale u kacay in uusan damin Radio Muqdisho suxufiyiin naftooda,wakhtigooda iyo maalkoodiba galiyay oo aan ka xusi doono

Cabdiraxman sheikh yusuuf cumar{ Al cadala} oo hadda ah agaasimaha guud ee Wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,Liibaan Cabdi Cali oo hadda ah agaasiamaha telefishinka qaranka soomaaliyeed,Cabdifitaax Daahir Jeyte oo hadda ah agaasimaha Radio Muqdisho,Cabdicasiis Maxamud Guuleed (Afrika) iyo Feysal Muuse Maxamed oo hadda ah tafaftiraha telefishinka qaranka .

Suxufiyiinta soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay in xaladii adkeyd ee dalka gaar ahaan Warbaahinta Qaranka inta kuma koobna oo weli ka mid ah tiirarka warbaahinta qaranka.

Aniga waxaan ku biiray 2015 bishii aktoobar  7-dii  aniga iyo lix suxufi oo imtixaan u galay kamid noqoshada shaqalaha wasaradda warfaafinta gaar ahaan waaxda Warbaahinta Qaranka oo ka koobna Wakaalada Wararka ee SONNA ,Wakaalada filimada,Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho oo dhammaan hooyo u ahayd.

Kaalin weyn bay warbaahinta qaranka ka qaadatay wacgi galinta bulshada iyo xoreynta dalka xoojinta nabadgalayada iyo soo bandhigista muuqaalada qurxoon iyo ku dhiiro gelinta dhalinyaradda la haanshaha dalka.

Radio Muqdisho waa jamacad loo dalaco oo marka suxufi walba aqoon iyo tayo uu isbido wuxuu raadiyaa sidii uu ugu biiri laha warbaahinta qaranka,waana qiimo gaar ah in aad raadiyaha qaranka kala hadasho ummadda.

 

Qalinkii: Sharmaake Mohamed Warsame.

Previous Post

R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In