Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoowe+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoowe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Goboleedka Puntland,ka dib safar shaqo labo maalmood ah ay ku joogi doonaan Garowe.

Wasiirka Shaqada iyo  Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed  Cabdullaahi  iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland  iyo Maamulka Gobolka Nugaal   ayaa Wasiir Saalax iyo Wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Konoco, wuxuuna soo dhaweyn ka dib  kormeer ku soo maray  Garoonka cusub ee loo dhisaayo Caasimada Garowe, waxuuna warfidiyeenka uu uga waramay ujeedada ay u yimaadeen puntland.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

August 11, 2026
Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

August 11, 2026

Wuxuu sheegay Wasiir Saalax Axmed jaamac inuu aad ugu farax sanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay

“Aniga oo ku hadlaya magaca wafdiga iyo Wasiirada  kala duwan ee Shaqada iyo Shaqaalaha  Dawlad Goboleeyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo igu wehliya safarkan  waxaa raali  ka nahay sida aad inoogu soo dhaweyseen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhinaca kale Wasiir Saalax ayaa sheegay in berito uu Garowe ka furmi doono (Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11) oo ay soo diyaarisay  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda Federaalaka Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Booqday Saldhigga Turkiga ee Muqdisho+Sawirro

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo 200 milyan oo doolar lagu taabbagelinayo (War Saxafadeed)

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo 200 milyan oo doolar lagu taabbagelinayo (War Saxafadeed)

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo 200 milyan oo doolar lagu taabbagelinayo (War Saxafadeed)

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

August 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la yeeshay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka...

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

August 11, 2026
0

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Gorgor Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Saahid Jaamac Faarax...

NISA oo fashilisay qorshe ay Khawaarijtu ku doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka

NISA oo fashilisay qorshe ay Khawaarijtu ku doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka

August 11, 2026
0

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ka fuliyeen inta u dhexeysa Kabtan Naas iyo...

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

August 11, 2026
0

NAFIS 2026 waa madal qaran oo diiradda lagu saarayo maalgashiga beeraha, wax-soo-saarka cuntada iyo xoojinta amniga cuntada Soomaaliya. Shirku wuxuu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In