Waddanka Maraykanka ayaa ku baaqay degenaansho Bariga Dhexe iyo dejinta geeddi-socodka nabadda, halka wasiirrada arimaha dibadda Midowga Yurub ay si adag uga soo horjeesteen dalab uga yimi R/wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu kaas oo ahaa inay qudus u aqoonsadaan caasimada israaiil
Aqalka cad ee maraykanka ayaa sheegay in uu sii wadayo geeddi socodka nabada bariga dhexe isla markaana ku baaqayo in la dajiyo xaalada
Dhanka kale, kulan ay wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub kula qaateen magaalada Brussels R/wasaaraha wadanka Israel Benjamin Netanyahu ayay ku cadeeyeen siday uga soo horjeedaan talaabadii Maraykanku ugu aqoonsadey qudus caasimadda israaill.
Federica Mugherini oo ah madaxa siyaasada midawga yurub ayaa sheegtey in midawga Yurub sii wadi doonaa in uu ku guuleysto xalinta labada dawladood,” Waa wakhtigii ay bilaabaan lahaayeen wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Israel iyo Falastiin, xal kaliya oo macquul ah waa in la aqoonsado laba dawladood oo Qudus la yiraahdo caasimadooda.”.
Hadalada Mugherini waxay ay ka dambeeyeen kadib Benjamin Netanyahu uu ku adkaystey in qudus tahay caasimada israaiil isla hadana xafiisyada ugu badan dawlada Israel ay ku yaalaan Aqoonsiga Qudus oo ah caasimadda Israel waa aqoonsi xaqiiqa ah waxayna xallin doontaa dhibaatada Bariga Dhexe ee suurtogalka ah,” ayuu yiri.
Dhiniciisa, Wasiirka aArrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Laudrian ayaa sheegay in Midowga Yurub Qorsha Trump aanu ula muuqan karin nabadda.
War saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada ee Yurub, ayuu Ludrian ku boorriyay Washington inay u dirto ergeyga gaarka ee maraykanka u qaabilsan nabadda ee Bariga Dhexe, Jason Greenblatt,iyo madaxa la taliyayaashiisa Jared Kouchner.
Intii uu socday shirkani waxa barxada hore ee goobta shirku ka socday banaan bax looga soo horjeedo booqashada Netanyahu ku joogo magaalada Brussels dadka banaan baxayay oo ku dhawaaqayay in midawga yurub goaan adag ka qaato arinta Israel isla markaana Israel joojiso deegaamaynta ay ka wada dhulka falastiiniyiinta
Markii uu ku dhaqaaqey Donald trump qudus inay tahay caasimada Israel waxa isa soo taraya banaan baxayada ka dhacayay dunida oo dhan sidoo kalana waxa isku dhacyo ka bilaabmeen daanta galbeed iyo Gaza kuwaasoo u dhexeeya falastiiniyiinta iyo Israel
Dhanka kale qaramada midoobey ayaa ugu baaqay ciidamada Israel in ay dhawraan dadka falastiiniyiinta ah ee mudaharaadaya
Bisha cas ee falastiin ayaa sheegtey in 166 falastiiniyiina ku dhaawacmeen iska hor imaadka