Socdaalka iyo in qofku uu ka tago wadankiisa una safro wadan kale oo aan kiisa aheyn ma ahan waxa haatan la bilaabay, waxaana ay soo jirtay qarniyo badan oo lasoo dhaafay, waana qeyb kamid ah dhaqanada bani’aadamka inay isu socdaalaan oo wadanba midka kale dadkiisa ay isu safraan.
Dadka waxay u socdaali karaan arimo nolol, waxbarasho iyo ganacsi, taasina waxay keentaa ilbaxnimo iyo isdhexgal bulsho oo faa’ido leh.
Waxaana Alle SWT uu qur’aankiisa ku leeyahay ‘ Dhulka ku socda oo eegga sida uu yahay cawaaqibka kuwa Alla beeniyey, sidoo kale wuxuu Nabi Muxamad NNKH xathiis ku yiri’ Doona Cilmiga xitaa haddu chine idinka jiro’ taasoo muujineysa in diinta ay ogoshahay in la socdaalo
Marka laga hadlayo xuquuqaha caalamiga ee socdaalka Aduunkana waxaa jira xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha qodob kamid ah inuu qeexayo in qofkasta uu xaq uleeyahay inuu sameyn karo dhaqdhaqaaq socdaal oo uu kaga baxayo wadankiisa uuna wadanka kale gali karo, tusaale ahaan hadii uu qofku qaxooti yahay oo uu magangalyo doonyahay. Waxa uu xaq uleeyahay inuu galo wadankuu doono oo uu magangalyo ka heli karo.
inkastoo ay sidaas tahay ayaad moodda in socdaaladii caadiga ahaa ee aan kor kusoo sheegnay kuwa aan aheyn ay soo badanayaan.
Socdaalka Tahriibta ee Qatarta galiya Dhalinyarada
Mudooyinkii u dambeeyey waxaa aad usoo kordhayey dhalinyarada soomaaliyed ee u hanqal-taageysa inay u baqoolaan wadamada qurbaha si ay halkaas nolol fiican uga helaan, iyadoo safaro qatar badan oo halis-galiya noloshooda kumara wadamada saxaraha ee carabta, siina mara badda madhatareenimka ee u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga illaa ay ka gaarayaan wadamada yurub halkaasoo ah meesha ay naawilayeen.
Inta dhalinyaradaas hadaba ay sii socdaan ayaa waxay la kulmaan dhibaatooyin halis ah oo ay kamidyihiin dil, jirdil kufsi Adoonsi iyo jirkooda oo laga ganacsado waxyeeladaas oo ay kala kulmaan rag qawleysata ah oo jidka ufadhiya iskuna magacaabay inay yihiin badbaadiyaasha tahriibayaasha kuwaasoo magafayaal la yiraahdo. Waxaana haddii xitaa intaasi ay ka badbaadaan usii dheer dhalinyarada qatarta dhinaca badda ay ku safraan oo inta badan ay kudhintaan.
Waxyaabaha sababa in dhalinyarada ay nafsadooda Qatar galiyaan ayaa waxay ku kusheegeen inay tahay Fursado shaqo iyo nolol aysan kuheysan wadankooda , xaalado ammaan darro, iyo waxyaabo kale oo saameyn ku yeeshay noloshooda , hase yeeshee inkastoo laga yaabo inay jiraan duruufahaas ay cudurdaarka ka dhiganayaan dhalinyarada ayaa hadana waxaan dhihi karnaa inaysan jirin aaminaad iyo kalsooni ay ku qabaan wadankooda inay fursado badan ka heli karaan uguna noolaadaan si xornimo leh oo aysan cidina kula hadleyn.
Inta ay lajoogaan kooxahaas magafayaasha ah ayaa waxay kuqasbaan dhalinyaradan inay iska bixiyaan lacago fawqal caqli ah oo aad u badan waxaana taasi ay keentaa inay usoo wacaan waalidiintooda oo ku sugan gudaha dalka , si ay ugusoo diraan lacagaha kooxahaas ay kuxiraan waxaana dhacda in waalidiin badan ay arintaas caqabad kala kulmaan maadaama qaarkoodba aaney Awoodin inay soo dhiciyaan quutul yoonka reerka, taasoo inta badan ukeenta tahribayaasha in la dilo ama la jirdilo illaa lacagaha madax furashada ay ka keenaan.
Dhalinyarada ka badbaada dhibaatooyinka Tahriibta ama iyagoo la kulmay ay u suuragasho inay yurub galaan ayaa la sheegaa inaysan ka helin Noloshii iyo hammiigii ay ka lahaayeen wadamada Yurub waxaana qaarkood oo aan la sheekeysanay ay noo sheegeen in marnaba aysan qurbaha ka helin noloshii ay isla lahaayeen waad ka heleysaan halkaas, iyadoo qaarkood ay ka qoomameeyaan qarashaadki kaga baxaya safarka Tahriibka ah.
Dadaalada dawladda ee ku aadan fursadsiinta dhalinyarada.
Dawlada federaalka ee Soomaaliya ayaa bilawday dadaalo ay ku dhiiragalineyso inay dhalinyaradu ay wadankooda ku nagaadaan kuna kalsoonaadaan, si taa loo hirgaliyana waxay dawladda wadaa barnaamijyo ay shaqo abuur ugu sameyneyso dhalinyarada si qofkasta oo kusoo baxa tartanka loo galayo shaqooyinkaasi uu uga qeyb noqdo fursadaha shaqo ee dawladu ay soo bandhigto.
Waxaana taasi daliil u ah dhalinyarada kunka qof gaareysay ee laga shaqaaleysiiyey gobolka banaadir ee Ra’iisalwasaaraha jamhuuriyada mudane Xasan Cali kheyre uu ugu baaqay in Gudoomiyaha gobolku mudane Thabit Cabdi Maxamed uu shaqaaleysiiyo.
Kasokow dadaaladaas dawladdeena ay waddo ee ka qeybgalka dhalinyarada fursadaha shaqo, waxay waddaa olole looga hortagayo socdaalka naf hurka ee tahriibka kaasoo halis gelinaya nafta qofka, arintaasoo ka dambeysay kadib markii kummanaan tahriibayaal soomaali ah oo nolol doon ah ay badaha kudhinteen iyagoo nolol fiican raadsanaya,.
Xafiiska ka hortagga socdaalka tahriibka ee Ra”salwasaaraha xasan cali kheyre oo ay gudoomiye ka tahay Amb: Maryan yaasiin ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatasho oo heer Qaran kaasoo looga arinsanayey heshiiska caalamiga ee socdaalka iyo Muhaajiriinta sharci darada ah, kulankaasoo gabagabadiisa lagasoo saaray war murtiyeed ku saabsan daraasad laga sameeyey waxyaabaha keena tahriibta iyo siyaabaha looga hortagi karo,
Gabagabadii Dhalinyaroy ha galinina naftiina qatar aad ubareerteen taasoo Alle uu maalinta qiyaamaha idin kula xisaabtami doonno waayo Alle wuxuu qawlkisa nazahan kuleeyahay, ‘ha galinina Nafsadiina Tahluku, wanaajiyana Ilaahey wuxuu jecelyahay dadka wanaaga sameeya’
Ku kalsoonaw oo Aamin wadankaaga hooyo kana shaqeyso intaad uhanqaltaagi laheyd midkale oo aadan udhalan. Waayo dal aan dalkaaga aheyn waa dareen kujoog.
W/Q Amina Ladan Ahmed Ali.
Email; [email protected]