Waa maxay Dowladnimo? Dowladnimada {Governance} Marka laga hadlaayo culuumta siyaasada waxaa lagu qeexaa in ay tahay hanaan maamuleed oo bulsho ay baahi u qabto oo kala haga danahooda bulshadeed mid dhaqaale iyo siyaasad iyo kuwo kaleba. Waa hanaan qorsheeya go’aanka gaarida tartan loo maro cadaalad iyo go’aan wada jira xageeda hogaanka. Dowladnima ayaa noqoneysa mid caalami ah mid dal iyo mid deegaan. Xukuumad ahaana waxaa loo qeybin karaa heer dhexe, gobol & mid hoose. Hey’adaha hogaamiyana waxaa loo kala saari karaa kuwo sharci dejin (parliament), fulin (Cabinet) & garsoor (Judiciary). Xukuumada waxeey qeyb weyn ka tahay jilayaasha dowladnimada.
Marka laga tago intaan oo idil iyo ciidamada noocyadiisa kala duwan oo xukuumada hoostaga waxa kale oo ay soo hoos imaanayaan bulsha-weynta rayidka ah, Dowladda hoose ayaa ah jilaha ugu hooseeya oo si xor ah loo soo doorto ayaa wax badan oo adeeg ah u qabato bulshada, waxaana ka mid ah bixinta dhulka, canshuuraha guryaha iyo ganacsiga iyo adeegyo amni iyo caafimaadba. Maamul dowladeedku ayaa lagu dhex fulin karaa ama soo hoos geli Kara dal, ganacsi, balse hanaanka maamuleed ee lagu howlgalo, go’aanadana lagu fuliyo loo dejiyo sidoo kalena lagu hergeliyo ayaa la yiraahdaa hanaan dowladeed (governance).
Ereyga asal ahaan iyo siyaasad ahaan waxaa curiyay Plato oo ahaa aabahii siyaasadda reer galbeedka oo Gariik u dhashay, ujeedada ugu weyn ee dowladi u taagan tahay ayaa ah in ay hubiso, ka shaqeeyso sidoo kalena keento in bulshada ay u taliso ee dowladda u tahay ay nolol wanaagsan u keento kana ilaalido nolosha xun ee dhibka badan, balse siyaabo badan ayaa loo micneeyaa maamulka ama hanaan dowladeedka Bangiga aduunka wuxuu ku macneeyaa habka awooda dhaqaale & dowladeed loogu adeegsado horumarinta bulsho in ay tahay hanaan dowladeed ama maamulka dowlada.
Dowladnimada iyo siyaasadda waa kala duwan yihiin inkasta oo ay hadana isku dhow yihiin oo xiriir ka dhexeeyo, Dalka, dowlada & dadka waxaa ka dhexeeyo xiriir isku xiran oo dad iyo dowlad la’aan dal ma jiri karo sidoo kalena dowlad iyo dal la’aan dad ma jiri karo, marka la helo dhul ay dadka si wada jir ah ugu wada noolaadaan ayey imaaneeysaa hanaankii lagu wada noolaan lahaa, waxaana ay noqoneysaa qofku bulsho la’aan iyo maamul la’aan ma noolaan karo, waxaana sidaasi yiri Aristotle.
Haddaba sidaad la socotiinba hey’adaha Amniga iyo Xeer Illaalinta waxay maalmahan wadeen baaris danbiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsan yahay fal dambiyeedyo Qiyaano Qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaamka dowladnimada, sidaasi awgeed waxaa reeban in muwaadin uu u adeego dano shisheeye oo ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.
Hey’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hey’adaha sharciga ah, ayaa habeen hore abaarihii 11.30 habeenimo ayay guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hey’adaha amniga tageen gurigaasi, muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro, iyadoo la waday warqaddii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.
Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hey’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga. Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hey’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayay Ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba in ay gacanta ku soo dhigan, iyadoo sidoo kale ay hey’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsan yahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.
Tallaabadaasi oo ay hey’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la fulinayey awaamiirtii hey’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal dambiyeed.
Sidaasi daraadeed, waxay Madaxda Amniga shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo sharci-fulinta, iyadoo Dowladda Federaalka ay dammaanad qaadeyso xaquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo Muwaadinkani uu helayo baaris hufan, waxaana la horgeynayaa maxkamada awooda u leh oo uu ka heli doono caddaalad.
Madaxda Amnigu waxay ugu dambeyntii, Shacabka Soomaaliyeed, ugu baaqayaan inay kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, waxaana Muwaadin kasta waajib ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka uu ka horumariyo danihiisa gaar-gaarka ah.
Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed, isagoo sheegay Xeer Ilaaliyaha in Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo, wuxuuna Dr. Axmed Cali Dahir dalbaday in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor geeyo sharciga.
Haddaba maxaa la gudboon Shacabka Soomaaliyeed?, waxaa la gudboon in ay mar walba ka shaqeeyaan xasiloonida, islmarkaana dhowraan sharciga iyo kala dambeynta, iyadoo muhiimadda ugu weyn ay tahay in la ilaaliyo sharafta iyo karaamada Qaranka soomaaliyed oo ah mid la ma taabtaan ah, kana soo horjeestaan cid kasta oo wax u dhimeysa, islmarkaana ay Danta guud ee Dalka ka hormariyaan danta gaarka ah.
W.D.C/llaahi Ruush