Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha oo Tababar u soo xirey dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turky-Som “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Madaxweynaha oo Tababar u soo xirey dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turky-Som “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Disembar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga dadaalka ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

“Waxaan idiin haynaa abaal weyn oo ku aaddan sida qiimaha badan ee aad noo garab istaagteen. Siyaasaddeena arrimaha dibadda waa mid ku saleysan iskaashi cid walba u furan.”

Madaxweyne Farmaajo oo si gaar ah ula dar daarmay ciidankan oo dhammaytay dhammaan tababarrada ciidanka Lugta “Efenteri” ayaa faray in ay ka soo dhalaalaan himillada iyo shaqada ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaad tihiin kuwa aan dooneyno in ay asaas u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin dhaqanka iyo anshaxa ciidannimo.”

Sidoo kale, munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyeyaasha iyo Howl-wadeennada Kulliyadda.

Saraakiisha iyo Askarta tababarkan qaadatay ayaa u soo bandhigey Madaxweynaha dhoolla tus ay ku muujinayaan xirfaddooda iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin difaaca iyo u adeegidda dalka iyadoona uu guddoonsiiyey abaal marinno askarta kaalimaha hore ka galey tababarka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigey qalabka iyo hubka dufacaddan, isagoona kormeeray fasallada iyo goobaha ay tababarka ku qaataan ciidamada.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Taliska CXD oo magacaabay Taliyaha qeybta 27aad ciidanka

Next Post

War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka

Next Post
War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka

War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In