Saturday, May 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo sheegay in dib loo howl galinayo Soomaali Airline.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo sheegay in dib loo howl galinayo Soomaali Airline.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeybgalayay barnamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa warbahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay wasaaraddu wado,kuwaasi oo  dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada SOomaaliyeed.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Related posts

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

Wuxuu xusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha,dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah,hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri Wasir oomaar.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garoonada Diyaaradaha ee kuyaala dhamaan Dalka,isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Salaad oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka,si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono,taasi oo uu ku sheegay in ay sahlayso ogaanshaha macluumaadka gaadiidka guud ahaan dalka,islamarkaana hadda ay ka bilowdeen Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.

Previous Post

Maraykanka oo fashiliyay Gaari qarax ah oo kusoo wajahnaa Muqdisho

Next Post

Danjire Michael Keating “2018-ka waxaan ka qayb qaadan doonnaa shaqa abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed”

Next Post
Michael Keating oo Amaanay Midnimada Shacabka Soomaaliyeed

Danjire Michael Keating "2018-ka waxaan ka qayb qaadan doonnaa shaqa abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed"

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In