Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa guddoomiyey shir ay magaalada Garowe ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirrada dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

Qodobada shirkan lagaga hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta amniga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta wada shaqeynta Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada Goboleedyada Dalka iyo horumarinta adegyada bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixino ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda ee Puntland ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Sidoo Kale, Madaxweynaha waxaa uu u shegay masuuliyiinti ka qeyb galaayey shirka  in ay qaataan masuuliyadda ka saran dib u soo celinta midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, lana yeesho wada shaqeyn dhab ah maadaama masuul kasta uu xil weyn ka saaran yahay samata bixinta shacabka Soomaaliyeed iyo in loo abuuro mustaqbal ka tarjumaya himilada iyo hanka shacabka.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ka xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo qorsheyaasha ku aadan horumarinta arimaha Bulshada heer Federaal.

  

 

Previous Post

Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Next Post

Dhageyso ;Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso ;Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso ;Warka Subax ee Radio Muqdisho

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In