Sida ay daabacday Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraysa 15 Dhalinyaro ah loona heystay falal burcad Bacdeednimo ah ayaa laga sii daayay Xabsiyo ku yaala India.
Sii daynta maxaabiistaasi ayaa timid kaddib markii ay dhameysteen xukun ay horey ugu ridday maxakamad ku taala Dalkaasi, xukunkaasi oo gaarayay ilaa 7 sano oo xabsi ah maaddaama ay ku eedeysanaayeen Burcadbadeednimo.
Jariiradda The Indian Express ayaa warbixin ayaa warbixina ay ka qortay xaaladda maxaabiistaasi iyadoo xustay in weli ay baaqi ku yihiin Dalkaasi India, ayna ku nool yihiin meel dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Mumbai ee Dalkaasi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale, kuwaasi oo gaaraya 27 qofood, waxaana qorshuhu yahay in mar qura ay dalkaasi ka soo baxaan dhamaantood, iyadoo la sugayo 27 kale oo la sheegay waqtigooda uu ka harsan yahay oo qura maalmo kooban, taasi oo keentay in la isla sugo.
Wadanka India ayaa ka mid ah wadamad ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida, kuwaasi oo loo heysto fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo, inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.
Sido kale bisha February ee sanadkan ayaa la filayaa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maxaabiis kale oo iyana ku xiran xabsiyo kaladuwan oo isla Dalkaasi ku yaala, maxaabiista haatan la sii daayay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga, balse waxaa diiday maxakamad ku taala dalkaasi,oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhameystaan.
Waxaa dhalinyaradaasi xabisyada Dalkaasi India lagu xirxiray sanadkii 2011kii, kuwaasi oo ilaa waqtigaas ahaa maxaabiis, xaaladooda ayaa u muuqataa mid aad u liidata, balse waxay danaynayaan in mar kale ay arkaan iyagoo jooga dhulkooda Hooyo.