Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Muqdisho ku soo bandhigay Buug uu ugu magacdaray Heybso Dhaqankaaga

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Muqdisho ku soo bandhigay Buug uu ugu magacdaray Heybso Dhaqankaaga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marti sharaftii kasoo qeybgashay Munaasabadda oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Qorayaal iyo Ardaydada Jaamacadaha wax ka barta waxay ku tilmaameen Daahfurka Buugga Hayso Dhaqankaaga Waqlalkii Ilmo-yar oo dhashay.

Buuggan oo xambaaarsan Cutubyo ay ka mid yihiin Afka iyo Dhaqanka dalkeena ayaa Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta wuxuu ku ammaanay qoraha Buugga Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi garashadiisa uu ku doortay in Bandhig loogu sameeyo Buuggan Xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Sugaanta COD MAAX

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Aqoonyahanada kala ah Maxamed Cabdi Gaandi iyo Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay Nuxurka Buugga uu xambaarsan yahay waxeyna ugu baaqeen qeybaha buslahda in ay akhristaan Buugga si ay uga faa’ideystaan waxyaabaha uu xumbaarsanyahay oo dhinaca dhaqanka ah

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku dhawaaqay Daahfurka Buugga ayaa isaguna shacabka ugu baaqay in laga faa’ideysto macluumaadka uu xambaarsan yahay buugga Haybso Dhaqankaaga .

Xildhibaanada kala ah Maxamed Cumar Dalxa iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu buuggan kaalin ka geysanayo horumarinta Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed,loogana baahanyahay bulshadu in ay ka faa’idaystaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah qoraha Buugga Haybso Dhaqankaaga ayaa gabagabadii ka hadlay sababaha uu ku doortay qoraalka buuggani,isagoona muujiyay in uu ahmiyad gaar ah uu u leeyhaya horumarinta Dhaqanka iyo Afka hooyo ee Soomaaliga ah.

Buugga Haybso Dhaqankaaga ayaa ah buggii ugu horreeyey uu ifka usoo saaro Guddoomiyaha Aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuuna soo bandhigidda Buuggani kusoo beegmayaa xilli dadaal weyn loogu jiro horumarinta Afka Soomaaliga iyo Akhriska iyo Qoraalka, iyadoo Dad isugu jira qorayaal iyo siyaasiyiin kale ay gunaanadkii munaasabadda ku wareejiyeen Akadeemiyada Cilnmiga, Fanka iyo Suugaanta, Buugaag kala duwan si kor loogu soo qado Waxqabadka Akadeemiyada.

Previous Post

Mudanayaal ka tirsan labada gole ee baarlamaanka soomaaliya oo kulan laqaatay qaar kamid ah odoyaasha & wax garadka Magaalada beledweyne

Next Post

Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Next Post
Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In