Wednesday, October 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad loogu magacdaray Dhiirrigelinta Ubaxa Caddaaladda iyo sare u qaadista barashada caddaalada ayaa wasaaradda Cadaaladda ee X.F.S. waxey u qabatay arday gaareysa Siddeetan oo waxbarasho lacag la’aan ah oo dhinaca sharciga ah ay wasaaraddu ka siisay jaamacadda Muqdisho iyo tan Puntland.

Xafladdaasi dhiirrigelinta ah waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaraddaasi, wasiir ku xigeenka, xoghayaha joogtada ah, ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, aqoon yahanno ku xeeldheer dhinaca sharciga iyo martisharaf kala duwan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda X.F.S. Ismaaciil Jimcaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay ahmiyad gaar ah siineyso sare u qaadista tayada aqoonta ardaydaasi, isagoo tilmaamay in wasaaraddu ku guuleeysatay suurtagelinta in arday gaareysa Siddeetan ay waxbarasho bilaash ah ka siiso jaamacadda Muqdisho iyo tan Puntland.

Dr. Shariif Ismaan iyo Dr. Saalin oo ah aqoonyahanno dhinaca sharciga ah ayaa si isku mid ah wasaaradda ugu amaanay dadaalka ay ku soo saareyso jiil cusub oo soo barta shirciga si loo horumariyo nidaamka garsoorka dalka.

Ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku xigeenka xeer ilaaliyaha Dr. Muuse ayaa wasaaradda Cadaaladda ku amaanay qorshaha ay waxbarasho bilaash ah ku siineeyso ardaydaasi Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ardaydaasi in ay ka faa’iideystaan fursaddaasi qaaliga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Dr. Ciise Wehliye Maalin oo isna halkaasi ka hadlay ayaasheegay in wasaraddu ay mudnaanta siineyso soo saaridda dhallinyaro soo baratay sharciga iyo qaanuunka si loo horumariyo hannaanka garsoorka dalka.

Wasiirka wasaaraddaasi Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo munaasabaddaasi soo xiray ayaa sheegay in wasaaraddu ay dib u habeyn ku sameyneeyso shuruucda garsoorka dalka, wuxuuna intaasi raaciyay in wasaaraddu qorsheyneyso furidda machad lagu tababaro Qareennada iyo xeer ilaaliyayaasha si loo tayeeyo garsoorayaasha maxkamadaha dalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha wasaaradda Cadaadaladda ee X.F.S. ay ku horumarineyso hannaanka garsoorka dalka.

?
?

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug

Next Post

Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Next Post
Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

October 22, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi ka kooban Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In