Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Ethiopia ayaa xabsiga ka sii deysay hogaamiyihii Mucaaradka dalkaasi oo mudo ka badan sanadka xirnaa.

Tallaabadaan ayaa timid labo todobaadkii ka dib markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu shaaciyay in la cafiyay Kiisaska siyaasiyiinta ay u xiran yihiin si kor loogu qaado wada xaajoodka Qaran iyo in la hagaajiyo lana hubiyo hanaanka dimuqraadiyada.

Related posts

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026

Dowladda ayaa ilaa iyo hadda cafis u fidisay in ka badan 500-ruux oo loo xiray dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka qarxay bartamaha Ethiopia gaar ahaan Gobolka Oromia bishii November 2015kii.

Merera,waa Guddoomiyaha ugu sareeya Mucaaradka Oromia waxaana lala soo daayay in ka badan 100-Qof oo kula xirnaa Xabsiga dhexe ee Kilinto oo ku yaalo duleedka magaalada Caasimadda ah ee Adis-ababa.

Mar uu Mr Mereru ka hadlay sii deyntiisa ayaa sheegay iney tahay tallaabo lagu farxo,islamarkaana uu dareemo qanacsanaan mar haddii uu ka soo baxay xabsiga Dowladda Ethiopia ay dhigtay.

Wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay iney muhiim tahay in la qabto wada hadal daacad ah si loo xaqiijiyay in Ethiopia cagta saartay wadadii wax wada qeybsiga iyo hanaanka dimuqraadiyada.

In ka badan 1,000-ruux oo ka mid ah taageerayaashiisa ayaa isugu uruuriyay magaalada uu ka soo jeedo ee Burayu si ay gacmo furan ugu soo dhoweeyaan.

Previous Post

Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

Next Post

Akadeemiyadda Cilmiga. Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo diyaar garoow ugu jirta xuska maalinta qorista Afka Soomaaliga(Dhageyso+Sawirro)

Next Post
Akadeemiyadda Cilmiga. Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo diyaar garoow ugu jirta xuska maalinta qorista Afka Soomaaliga(Dhageyso+Sawirro)

Akadeemiyadda Cilmiga. Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo diyaar garoow ugu jirta xuska maalinta qorista Afka Soomaaliga(Dhageyso+Sawirro)

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

April 26, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In